Home Xogta Dahsoon DEG DEG: Ciidan Hubeysan Oo Xirtay Wadada Aada Madaxtooyada

DEG DEG: Ciidan Hubeysan Oo Xirtay Wadada Aada Madaxtooyada

Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug Ciidamo Gadood sameeyey ayaa maanta muddo hakad geliyey Isku socodka Gaadiidka iyo Dhaq dhaqaaqa guud.

Askartaan oo katirsan Xoogga Dalka ayaa sheegay inay waayeen wixii ay mudnaayeen iyadoo ballan qaad Madaxweyne Qoor qoor usameeyey aan la fulin.

Ciidamadan ayaa si gaar ah uga  cabanayey Xuquuq la’aan Muddo dheer ah oo ay Tababar ku qaadanayeen Xero-aruuris oo ku taalla Deegaanka Xanan buure waxayna diideen isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha iney maraan Laamiga Dhexmara Magaalada Dhuusa mareeb.

Sawirro lasoo qaaday waxaa laga arkayey Askartaan oo dhagax ku xiray Wadada Laamiga ah Ee aada Madaxtooyada Galmudug Magaalada Dhuuso mareeb taas oo saacado kadib Saraakiil kusoo baxeen ballan qaad kalena loo sameeyey,iyadoo Xaalada Caadi kusoo laabatay.