Home Warka Maanta DEG DEG Ciidan daacad u ah RW Rooble oo la wareegay NISA...

DEG DEG Ciidan daacad u ah RW Rooble oo la wareegay NISA iyo General katirsanaa Badbaado Qaran oo…

Iyadoo lafulinayo amarkii Kasoo baxay Rw Rooble ee ahaa in dag dag uu shaqadiisa u bilaabo Taliyaha ku meel gaarka ah ee NISA  ayaa Gen. Bashiir Goobe iyo Ciidan uu wato waxay goordhaw kusii jeedaan Xarunta Hay’ada “NISA”.

Ciidamo isugu jira AMISOM, Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Maraykanku caawiyo Gaashaan “Alpha group” iyo Ciidan uu wato midka mid ah Generaalada Dowladda Soomaaliya Gacma  Dulle oo ay xigto dhaw yihiin Gaashaanle Yaasiin Fareey ayaa hada sheegay inay lawareegeen Xarunta Nisa.

Ciidamada Gacma dulle waxay kamid  ahaayeen Ciidamadii bad-baado qaran ee is hor-taagay mudo kordhintii Farmaajo.

Waxaa la filayaa in halkaas ay ka dhacdo munaasabad kooban oo xilka uu kula wareegayo Taliyaha NISA ee RW Rooble magacabay General Bashiir Goobe.

Saacad ka hor waxa halkaas ku sugnaa ciidamada Duufaan oo dacad u ah Farmaajo kuwaa oo ciidamada daacada u ah RW Rooble ay kala eryeen.