Home Warka Maanta DEG DEG Ciidamo uu wato Gudoomiye Macalimow oo la wareegay xarumaha dowladda

DEG DEG Ciidamo uu wato Gudoomiye Macalimow oo la wareegay xarumaha dowladda

Wararka naga soo gaaraya Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamado uu watay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga iyo Siyaasada Gobolka Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) iney xarumo dowladeed qabsadeen.

Macalimuu iyo ciidankiisa ayaa qabsaday dhamaan Xurumihii Dawlada ee Garbahaaray Gobolka Gedo kuwaa oo kabaxay gacanta maamul uu taageersanaa Farmajo.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan soo gaaraan Garbahaaray Ciidanka Jubaland ee Afmadow fadhiya si loo adkeeyo Amaanka Magaalada Garabahaarey.

Arrintan ayaa niyad jab ku ah kooxda Farmaajo oo dooneysay iney gacanta ku dhigto kuraasta Gobalka Gedo lagu soo dooran doono oo ay maamulaan.

Sidoo kale Macalimow ayaa taageersan Ra’isul Wasaare Rooble waxaana wararka ay sheegayaan in uu isaga qudhiisa rabo Xildhibaanimo xitaa waxaa qorshahan qeyb ka ah sida wararka inoo sheegayan wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.