Home Warka Maanta DEG DEG Cadeyntii Md qoor qoor oo qeyb ka mid ah banaanka...

DEG DEG Cadeyntii Md qoor qoor oo qeyb ka mid ah banaanka lasoo dhigay

Dhawaan madaxweynaha Galmudug axmed cabdi kaariye (qoor qoor) ayaa si sarbeeb ah uweeraray maamul gobolleedka Puntland uu ku eedeeyey inay taageero ufidisey ciidanka Ahlusuna.

Balse Madaxweyne Siciid Deni iyo Gudoomiyihiisa Gobolka Mudug C/ladiif Muuse San yare ayaa wadajir waxay ubeeniyeen eedaas loo soo jeediyey.

Wasiiru dowladaha wasaaradda Caafimaadka Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay in dhaawacyada ciidankii Ahlusuna ka dagaalamayey Guriceel ay hadda yaallaan cusbitaalo ku yaalla deegaanada Puntland.

“Inta badan dhaawacyada kooxdaasi runtii waxaa la geeyay sida aan ka warhayno Waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe, laakiin dhaawacyadii soo gaaray isbitaaladda Galmudug si sax ah oo siman oo cadaalad ah ayaa loogu adeegay lamana takoorin, lama dhibaatayn waana waajib wasaaradda saaran oo uu bixiyay madaxweynaha Galmudug” ayuu yiri Axmed Mire Faafaale wasiiru dowlaha Caafimaadka Galmudug.

Tani ayaa muujineysa khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Galmudug iyo Puntland kuwaas oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay Guriceel afar maal dagaal dhacayna Ahlusuna iskaga baxday Degmadaasi.