Deg Deg: C.C. Warsame oo Xildhibaan loo doortay iyo rasaas ka bilaabatay Dhuusomareeb

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhow loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa CC Shakuur loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay 86 cod ah oo dhammaan ergada soo xaadirtay.

Guusha Cabdiraxmaan ayaa dhabar jab ku ah Villa Soomaaliya oo dadaal kasta saameysay, si ay kursigan uga reebto, maadaama uu ka mid yahay xubnaha ay is hayaan Farmaajo.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Kursi ka mid ah kuraastan waxaa sidoo kale loo xiray Cabdullaahi Aadan Kulane oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NISA, kaas oo ah Hop#040 ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Source link