Home Warka Maanta DEG DEG Axmed Madoobe oo Warqad U diray iyo Arinta Doorashaa oo...

DEG DEG Axmed Madoobe oo Warqad U diray iyo Arinta Doorashaa oo meel xun

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa warqad furan usoo diray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

Xogta ayaa sheegeysa in Madoobe uu codsaday sidii Maxamuud Sayid Aadan iyo Yuusuf Xuseen Dhuumaal uu dalbaday in loo diro gobolka gedo.

 

Labada Shakhsi ee Axmed Madoobe uu dalbaday in gedo udiro ay yihiin kuwo kasoo jeeda gobolkaasi ayna isku heyb yihiin madaxweyne farmajao.

 

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in 16 kursi ee lagu soo dooran doono gobolka gedo ayaa waxa uu sheegay Axmed Madoobe si cadaalad ah loo qabto oo buuq iyo awood marooqsi lagu sameynin.

 

Xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble xubno katirsan ayaa inoo xaqiijiyey arintaan balse waxa uusan weli ka jawaab celin mas’uuliyiintaas uu Madoobe dalbaday in garbahaareey loo diro.

 

Maalin Ka Hor Gudoomiyaha Gobalka Gedo Ahmed Buulle Gareed Ayaa Si Cad U Sheegay In Cid Ka Socota Maamulka Jubbaland Aysan Imaan Karin Garbahaarey,lamana oga sida ay fariinta Axmed Madoobe udiray Rooble taasi usaameyn karto.