Home Warka Maanta DEG DEG Axmad Madoobe oo ku wajahan Gobalka Gedo iyo guul darrada...

DEG DEG Axmad Madoobe oo ku wajahan Gobalka Gedo iyo guul darrada Farmaajo oo

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu waramay in uu qorsheynayo socdaal taariikhi ah oo uu ku tago gobolka Gedo kahor qabashada doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka.

 

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji [Macalimu] oo hada kamid ah siyaasiyiinta taageersan Axmed Madoobe ayaa shaaciyey safarka hase ahaatee wuxuusan soo bandhigin waqtiga uu ku beegan yahay.

 

Sida laga soo xigtay Macalimuu horey uga mid ahaa garabka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, booqashada Axmed Madoobe waxaa ka horeyn doonta socdaalo ay halkaas ku tagi doonan madax uu ku xigeenkiisa kamid yahay.

 

“Gedo waxa ay ka tirsan tahay Jubbaland waxaan maamula Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam cid mas’uuliyiinta

 

Jubbaland Gedo ka celin karto ma jirto,” ayuu ka dhawaajiyey siyaasi Macalimuu.

 

Wuxuu ku daray: “Nin diidan iyo nin ogolaada isaga ayaa Madaxweyne u ah, marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay, waxaa nagula leexiyay wax sharci darro ah, wixii aan ku shaqeynayay wax sax ah ma aheyn”.

 

Dhawaqa ku saabsan in aysan jirin cid mas’uuliyiinta Jubaland ka hor-istaagi doonta in ay tagaan Gedo wuxuu jawaab u yahay hadal kasoo yeeray saraakiisha taabacsan Villa Soomaaliya ee ku sugan gobolkaas.

 

Macalimuu oo xiganaya is-fahamka madaxda golaha wadatshiga qaranka iyo hadalka ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa ku nuux-nuux-sadey in ay “dhamaatay in dadka lagu khiyaamo been iyo wax aanan jirin”.

 

Waxaa la filayaa in Gobalka Gedo lagu qabto doorashada 16 kursi halkaa Axmad Madoobe uu maamulayo waxaana la filayaa iney ku soo baxaan shaqsiyaad mucaarad ku ah dowladda uu waqtigeeda dhamaaday ee Maxamed Farmaajo oo iyada u ordeysay 16-kaas kursi.