Home Warka Maanta DEG DEG: Amiirka Al shabaab Oo Murashaxiinta Soomaaliya digniin udiray

DEG DEG: Amiirka Al shabaab Oo Murashaxiinta Soomaaliya digniin udiray




Amiirka guud ee Al Shabaab Axmed Cumar abu Cubeyda ayaa jeediyey khudbad maqal ah Oo inkabadan 30 daqiiqo socotay.

Waxa uu kaga hadlay Xaalada guud ee Soomaaliya,dagaalka ay ku jiraan iyo Siyaasada uu si qoto dheer uga faalooday.

Aayado qur’an iyo axaadiis ayuu khudbada kusoo darayey inta hadal jeedintiisa ay socotay isagoo Hambalyo ciida ah udiray Shacabka Muslimiinta caalamka.

Madaxda Dawlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay yihiin kuwo ka Amar qaata dalal shisheeye Isagoo sheegay in fashil uu ahaa Shirkii Afisiyooni ka dhacay.

Waxa uu sheegay in wax aysan soo kordhin doonin Murashaxiinta Madaxweynaha utaagan kuna sheegay in iyaguba dalal shisheeye u adeegayaan digniin ayuuna udiray.

Amiirka Al Shabaab abu Cubeyda ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan AMISOM iyo ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.





Source link