DEG DEG: Amar uu bixiyey Farmaajo Oo Ciidanka Koofi Casta kula wareegeen Hoteelka…

Ciidamo katirsan kuwa ilaaliya Madaxtooyada Ee Koofi Casta loo yaqaano ayaa la wareegay sida la sheegay Amaanka Hoteelka SYL oo aad ugu dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa waxa la sheegay in ay amar ka heystaan Madaxda Sare ayna taas jawaabteeda iyaga weydiiyaan,Qurba joog iyo Wasiiro katirsan Xukuumada ayaana Hoteelkaasi deggan.

SYL HOTEL ayaa waxa uu kaabiga ku hayaa Xarunta dalka looga arimiyo islamarkaana la sheegay in laga war helay Murashaxiinta Mucaaradka qaarkood inay deggi rabaan halkaasi.

Shariif Xasan,C/kiriin Guuleed iyo Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa ilo madax banaan ay sheegeen in ay halkaasi deggi rabeen si la mid ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo Xalay iyagu degay Hoteelka Naasa hablood 2 Ee Ku yaalla Degmada Xamar weyne kuna dhaw Tiyaartarka Qaranka.

Ma Cada Xaalada Dalka kusugan yahay xilli Madaxtooyada ay ku dedaaleyso wax kasta oo ku joojin karto Banaanbaxa Berri Jimcaha ka dhaco Muqdisho.