Home Warka Maanta DEG DEG Ahlusuna oo dagaal looga saaray Guriceel & Sawirro laga helay...

DEG DEG Ahlusuna oo dagaal looga saaray Guriceel & Sawirro laga helay Xaalkaasi

Ciidamada Dawlada iyo kuwa Galmudug oo iskaabaya ayaa duhurnimadii si buuxda ula wareegay xaafadaha inta badan degmada Guriceel ee gobolka gal gaduud.

Dadka faro kutiriska ah ee kusugan magalaadaasi waxay sheegeen inay arkeen gaadiidka dagaalka ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug oo gudaha usoo galay guriceel.

Weli rasaas xoog leh ayaa ka dhaceysa dhinaca halka loo yaqaano Ceelka Cali Faarax iyo dhanka bari magaalada guriceel ee Jaamacadda ku taallo halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada daacada u ah Ahlusuna waljamaaca.

Waxay umuuqataa in magaalada guriceel laga saaray Ahlusuna iyadoo madaafiic la isweydaarsanayey ay ku habsadeen guryo shacab kusugnaayeen iyo goobo ganacsi khasaaro ayaana ka dhashay.

Sawirro taleefoon lagu soo qaaday salaadii duhur markii la adimayey waxay muujinayeen xaalada dagaal ee ay gashay guriceel iyo baabuur gaashaaman oo waddooyinka degmadasi lagu arkayey.