Home Xogta Dahsoon DEG DEG: Afgembiga Dadka Ogeyn Ee Ka Dhacay Villa Soomaaliya

DEG DEG: Afgembiga Dadka Ogeyn Ee Ka Dhacay Villa Soomaaliya

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Shirkii Jaraa’id uu Galabta ka hadlay waxa uu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo yahay Shakhsi la mid ah Dadka Soomaaliyeed oo xilka uu hayey ka dhacay.

Waxa uu Ku Eedeeyey Beesha caalamka inay naas nuujin kale rabto inay usameyso Farmaajo oo ku guuldareystay inta uu xafiiska joogay in Dalka ku hogaamiyo Xilligeeda Doorasho ku dhacda.

Murashax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur ayaa shaaca ka dhigay in Inqilaab ama Afgembi dadban uu ku joogo Farmaajo Madaxtooyada Soomaaliya oo aysan dadka ogeyn.

Beesha Caalamka ayaa waxay weli u aragtaa Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo aan la isku diidaneyn in Xilligii Xafiiska loo igmaday ka dhamaaday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA