Home Xogta Dahsoon Danaha Mareykanka uga fulay Soomaaliya, balse Afghanistan uu kaga fashilmay

Danaha Mareykanka uga fulay Soomaaliya, balse Afghanistan uu kaga fashilmay

Islaamiyiinta Soomaaliya, oo ay hoggaan u ahaayeen Maxkamadihii shareecada Islaamka ee soo shaac-baxay sannadkii 2006, waxa ay ku fashilmeen in ay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan, sida ay u adkeeyeen Islaamiyiintii Afghanistan, oo ay horkacayeen Taalibaan oo, markii u horreysay la wareegtay xukunka Afghanistan sannadkii 1996, ka hor inta uusan Mareykanku afgambinin sannadkii 2001.

Maxkamadaha inay kala qaybsamaan, oo ay qaybo badan u kala go’aan, waxa ay ku timid fara-gelin shisheeye ee dhanka Mareykanka, oo xoogga saaray inuu kala jejebiyo garabkii siyaasadda iyo garabkii militariga ee Maxkamadaha, maadaama ay halis weyn ku noqdeen danihii awoodeed, ee uu ka lahaa Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Maxaa Mareykanka uga suuragalay Soomaaliya?

Hal arrin oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ahayd Mareykanka, waxay ahayd inuu hubiyo in cadowgiisu uusan yeelanin midnimo uu kaga hor-yimaado quwaddiisa, kuna soo hujuumo danihiisa.

Sidaas awgeed, waxaa Mareykanka Soomaaliya uga suuragalay arrin uga suurageli weyday Afghanistan.

Mareykanka wuxuu ku guuleystay in Maxkamadihii Islaamka loo kala qaybiyo laba kooxood oo iska horjeeda, oo dhexdooda dagaallama, iskuna haysta awoodda xukunka. Waxay ka kala dhigeen:

Koox ay ku sheegeen qunyar-socod, oo uu madax ka yahay Guddoomiyihii dhammaa ee Maxkamadaha, Shariif Sheekh Axmed, oo ka fakaday furimihii dagaalka ee jiidda Jubada Hoose, si lama filaan ahna isugu dhiibay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Kenya.

Iyo koox ay ku sumadeeyeen ‘mintidiin’, oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dhallinyaro uu isagu ku soo ababiyey fekerka jihaadiga, sida Axmed Cabdi Godane, Aadan Xaashi Ceyrow iyo Mukhtaar Roobow Mansuur.

Kooxda hore, ee ay Mareykanka ku sheegeen ‘qunyar-socodka’ ayaa la dowladeeyey, ka dib shirweyne siyaasadeed oo lagu qabtay dalka Jabuuti, sannadihii 2008/2009, waxaana lagu wareejiyey magacii dowladnimada ‘federaalka’ Soomaaliya, oo ay horey u haysteen koox ka koobneyd qabqableyaal dagaal, oo jaal la ahaa Itoobiya.

Hab-dhismeedka federaalnimo ee dowladdaas, oo ay lahaayeen Itoobiyaanka, ayaa ahaa mid ka soo horjeeday ahdaaftii Maxkamadaha, laakiin maadaama xilal sare loo dhiibay waxay kooxdii qunyar-socodku ku qanacday jagooyinkii looga qaaday kuwii Itoobiyaanka ay dowladeynayeen.

Qorshaha militari iyo xeeladda siyaasadeed ee Mareykanku uu ka lahaa shirkii Jabuuti, oo hoggaamintiisa ay u dhiibeen ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midiobay, Ahmedou Ould-Abdalla, waxay ahayd inuu Maxkamadaha ka dhex helo xulufo ‘qunyar-socod’ ah oo ogol faragelinta Mareykanka, oo uu ka horgeeyo kuwa uu u aqoonsaday ‘mintidiinta’ ee diiddan faragelinta Mareykanka.

Dhanka Afghanistan, Mareykanka – iyaga oo ka faa’iideysanaya tijaabada ay ka sameeyeen Jabuuti iyo guushaas kala-qaybinta ee ay ka gaareen Soomaaliya – waxay damceen in ay sidii oo kale siyaasaddaas kala-furfurka ka fuliyaan Afghanistan.

Waxaa-se ay ku guuleysan kari waayeen in ay sidii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya oo kale u kala qaybiyaan Taalibaan.

Muxuu Mareykanku ugu fashilmay Afghanistan?

Guuldarrada Mareykanka ka qabsatay Afghanistan waxaa ugu wacnaa hoggaanka Taalibaan oo adkeeyey midnimadooda, iskana diiday isku-daygii Mareykanku ku doonayey inuu ku damac-geliyo in iyaga lagu dowladeeyo, oo ay xilal iyo xoolo helaan.

Hoggaanka Taalibaan wuxuu aaminsanaa in cidda bixin doonta sharciyadda dowladnimo ay tahay shacabka Afghanistan, halka hoggaankii Maxkamaduhu aaminay in cidda bixisa sharciyadda dowladeed ay tahay Mareykanka, Itoobiya iyo wadammada ajnabiga ee danaha ka leh Soomaaliya.

Diidista ay Taalibaan iska diiday inay la mid noqoto Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya, ayaa Mareykanka ku kallifay inay dalka Afghanistan dibaddiisa ka soo daabulaan dad dibad-joog ah, sida Madaxweynihii fakaday, Ashraf Ghani.

Arrintaan dambe ayaa shaqeyn weyday oo keentay guusha degdegga ah ee Taalibaan, oo dalkii Afghanistan dib u wada qabsatay labaatan sano kaddib.

 

Source link