Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Luuq iyo khasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya

Posted on

Luuq (Wararka Maanta) – Dagaal culus ayaa mar kale maanta ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa saakay ka bilowday bartamaha magaalada, wuxuuna u dhaxeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq.

Goobjoogayaal ayaa Wararka Maanta u sheegay in ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya ay ku dhinteen dagaalka, halka 7 kale oo isku jira ciidan ku soo baxay dagaalka iyo rayid ay ku dhawaacmeen.

Qoysaskii ugu dambeeyey ayaa maanta ka qaxaya degmada Luuq, iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaalka socda.

Dagaalka ayaa saaka dib u bilowday kaddib markii ay soo rogaal celiyeen koox shalay dib uga guratay dagaalka, waxaana sii adkaatay xaaladda Luuq.

Ciidamo isku dayey inay kala dhexgalaan beelaha dagaalamaya ayaa ku guul-dareystay inay dagaalka joojiyaan, doorka dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa ku soo aruuray baaqyo nabadeed oo loo jeediyay maleeshiyaadka isku awood sheeganaya.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaalka oo ku dhowaad toddobaad ka socda gudaha iyo hareeraha degmada Luuq, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn.

Magaalada Luuq waxaa ku wareegsan Wabiga Jubba, waxaana laga galaa hal irid, maleeshiyaadka dagaalamaya oo saakay isku fara-saaray gudaha magaalada, iyadoo markii dambe la iskula baxay banaanka magaalada, xaaladda Luuq caawa waa mid colaadeed, mana jirto cid u diyaarsan inay kala dhexgasho dhinacyada dagaalamaya.

 



Source link