Dagaalka sharci-darrada ah ee uu Biden ka wado Somalia – W/Q: Michael Maharrey




Washington (Allbanaadir Media) – Maamulka madaxweyne Joe Biden wuxuu sii wada fara-gelinta milatari ee Soomaaliya. Madaxweyne George H.W. Bush ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya u diray ciidamo sannadkii 1992-kii, si ay qeyb uga noqdaan Mashruucii Rejo-soo celinta Soomaaliya.

Xilligaas Mareykanku wuxuu gacan ka geysanayey gurmadkii abaaraha oo Qaramada Midoobey ay ka waday dalka. Waxay fara-gelintii ciidamada Mareykanka muhiim u ahayd in deeqo lala gaaro dadkii abaaruhu saameeyeen.

In kastoo Maraykanku uu sannadkii 1993-kii bishii October Soomaaliya kala baxay dhamaan ciidamadiisa, haddana marnaba fara-gelintiisu kama marneyn howlgallada ciidan ee laga sameynayo gudaha Soomaaliya. 

Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay howlgalka ciidamada Maraykanka ee Bariga Afrika ka socda sannadkii 2017-kii. Wuxuuna dabciyay shuruucdii ku aadaneyd adeegsiga diyaaradaha drones-ka ah ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya. 

Tan iyo 2017-kii, militariga Maraykanka ayaa fuliyay tiradii ugu badneyd ee howlgallo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, sanadkii 2019-kii, Mareykanku wuxuu gudaha Soomaaliya ka fuliyay 63 howlgal oo duqeymo ah, waana tiradii ugu badneyd oo sannad gudihiis la fuliyo.

Waxaa ku xigtay 52 goobood oo la bartilmaameedsaday sanadkii 2020-kii, waana isku darka wadarta duqmeymaha uu Soomaaliya ka fuliyay intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2017 oo dhan 42 duqeymood oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah ee ka soo hor jeeda dowladda Soomaaliya. 

Joe Biden markii uu xafiiska la wareegay si weyn ayay duqeymahani hoos ugu dhaceen. Waxaana la yareeyey weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka baxsan aaggaga dagaalka.

Sannadkii 2021, kaliya shan duqeymo ah ayaa lasoo sheegay. Laakiin hakadku wuxuu ahaa mid kooban, sanadkii hore, Joe Biden ayaa Pentagon-ka la wadaagay magacyada ilaa tobaneeyo hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ah.

Bishii August ciidamada Maraykanka ayaa labo howlgal ka fuliyay gudaha Soomaaliya. Waana astaan muujinaysa in dagaalka ka socda Soomaaliya uu sii xoogeysanayo. 

Bishii hore, Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inay qaadeen weerraro cirka ah oo ay ku dileen, sida ay sheegeen, 13 dagaalyahan oo katirsan al-Shabaab. Taliska ayaa tilmaamay in qiimeyntii ugu horreysay uu ku ogaaday inay jiraan dad rayid ah oo la dilay ama la dhaawacay. 

In kasta oo ay taasi u muuqato mid lagu kalsoonaan karo, haddana Pentagon-ka ayaa caan ku ah inay si ba’an u yareeyaan dhaawacyada rayidka ah ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay AntiWar.com, howlgalkii ugu dambeeyay wuxuu qeyb ka ahaa weerarkii cirka ee dhacay 9-kii Agoosto. Waxa kale oo jiray howlgal duqayn ah bishii hore.

Maamulka Biden ayaa sidoo kale dib u kiciyay dagaalka dhinaca dhulka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa tiro badan oo u dhaxaysa 650 ilaa 800 oo askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa Soomaaliya ka saaray maalmihii ugu dambeeyey maamulkiisa. Isaga ayaana mas’uul ka ahaa soo gelitaanka ciidamadaas ee Soomaaliya si ay howlgalka u bilaabaan. 

Bishii March, madaxweyne Biden waxa uu ansixiyay codsi uga yimid Xoghayaha Difaaca si dib loogu soo celiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya si loo suurta-geliyo dagaal waxtar leh oo ka dhan ah al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan maamulka.

Xaqiiqdii Trump ma uusan joojin dagaalka dhinaca dhulka ah ee Soomaaliya. Askarta Maraykanka ayaa si fudud dib loogu daabulayay dalalka deriska ah, waxayna sida muuqata gudaha iyo dibadda uga soo guureen Soomaaliya, sida uu sarkaalkan sare sii tilmaamay. 

Dagaalka Soomaaliya ka socda wuxuu hadal heyn ka dhex abuuraa dadka intooda badan. Aad bayna u kooban yihiin macluumaadka howlgallada socda. Wax khasaare oo dhinaca Maraykanka kasoo gaara howlgallada majiraan. Dadkuna aad uma daneynayaan arrin ka duwan midda qasaare ahaaneed ee dadkooda kasoo gaaraysa duqeymaha uu Soomaaliya ka fulinayo. 

Marka loo eego baaritaan ay sameysay Amnesty International, 21 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay kaliya sagaal weerar oo cirka ah sannadkii 2020 halka 11 kale-na lagu dhaawacay. Sida laga soo xigtay Airwars, caddaymo ayaa muujinaya in ilaa 15 qof oo rayid ah oo Soomaali ah lagu dilay duqaymaha Maraykanka sannadkii 2020 oo kaliya.

Haba yaraatee ma jirto awood dastuuri ah oo uu madaxweyne Biden u oggolaanaysa inuu ciidamo u diro Soomaaliya si loo duqeeyo. Sidoo kale Trump, Clinton, iyo labadii Bush, wax awood ah uma lahayn inay sidaas oo kale sameeyaan. Koongareesku kuma dhawaaqin dagaal ka-dhan-ah dalkaas; doorka Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ma farayo, isaguna inuu bilaabo tallaabo milatari oo weerar ah.

Dastuur ahaan, Koongareesku waa inuu ku dhawaaqaa dagaal kahor inta uusan madaxweynuhu qaadin tallaabo militari oo weerar ah. Sida George Washington uu warqad ugu qoray William Moultrie, Dastuurku wuxuu leeyahay awoodda ku dhawaaqida dagaal waxaa leh Congress-ka, sidaas darteed duulaan weerar ah oo muhiim ah lama qaadi karo ilaa iyo kadib marka ay ka doodaan mowduuca la islana oggolaado. 

Halkii lagu dhawaaqi lahaa dagaal, Biden iyo Trump, oo ay wehliyaan Bush iyo Obama iyaga kahor, waxay ku wada tiirsanaayeen oggolaanshiyaha isticmaalka xoogga militariga (AUMF) oo uu ansixiyay Congress-ka wixii ka dambeeyay 9/11 si loogu cudurdaaro tallaabo milatari oo caalami ah. Laakiin tani waxay fidinaysaa awoodda dastuuriga ah ee madaxweynaha oo aad uga fog meesha lagu jabayo.

Qaraaradan ayaa u oggolaanaya Madaxweynaha inuu go’aan ka gaaro haddii iyo goorta uu rabo inuu qaado tallaabo militari. AUMF oo la ansixiyey kadib weeraradii 9/11 si loogu duulo Afghanistan ayaa illaa maanta shaqeysa. Bush, Obama, Trump iyo madaxweynaha hadda ee Biden waxay u isticmaaleen inay marmarsiiyo u helaan go’aannadooda madax-bannaan oo ay tallaabo milateri uga qaadi karaan adduunka oo dhan, sida Soomaaliya.

Laakin adeegsiga awoodda xoogga militariga si fudud looma mariyo sharciga dastuuriga ah.

Ma jiro qodob dastuuri ah oo u oggolaanaya Congress-ka inuu awoodihiisa loo igmaday ku wareejiyo dhinac kale, oo uu ku jiro madaxweynaha. Xaqiiqdii, ficilkan oo kale wuxuu ku xadgudbaa sharciyada aasaasiga ah. Sharciga qandaraasyada, marka maamulaha (dadweynaha) u wakiisho awoodda wakiil (dowladda federaalka), wakiilku uma wareejin karo awooddiisa dhinac kale iyada oo aan la helin ama la heynin tilmaamo gaar ah oo ku jira heshiiska. Oggolaanshaha noocaan ah kuma jiro Dastuurka. Marka, Koongareesku si sharci ah uma siin karo madaxweynaha go’aan maran si uu iskiis ugu gaaro go’aan dagaal. Waa in kongareesku soo jeediyaa baaq ku aadan go’aan lagu qaadanayo tallaab miltari. 

Waxaa cajiib ah in Kongareesku aanu weligiis oggolaanin tallaab miltari in lagu qaado Soomaaliya. Marka holwgal walba oo laga fuliyo gudaha Soomaaliya waa sharci-darro. 

Qoraalkan waxaa qoray Michael Maharrey oo ah agaasimaha xarunta Tenth Amendment Center, ee Mareykanka oo ah xarun ka shaqeysa ilaalinta dastuurka. Waxaa tarjumay Allbanaadir Media. 



Source link