Dagaalka RUUSHKA iyo qurbojoogta Soomaalida




Horudhac 

Dunida ayaa wajahaysa xaalad adag oo aan horey loo saadaalin taasoo ka dhalatey dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee ka dhacayay caalamka laga soo bilaabo 11kii bishii March 2020 markii ay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka dunida (WHO) ku dhawaaqdey inuu cudurka Koronafayras (COVID-19) uu noqdey Safmar Caalami ah (Global Pandemic). Waxaa taa xigey duulaanka ay Ruushanku ku qaadeen waddanka deriska la ah ee Yukreyn kaasoo si rasmi ah u bilowdey Labadii bishii February 2022. Waxaa sii xigey go’aankii ay Hay’adda WHO kasoo saartey cudurka Busbuska (Monkeypox) kaasoo ay ugu aqoonsatey inuu yahay Xaalad Deg-deg ah oo Mudan Walaac Caalami ah (Public Health Emergency of International Concern). Waxaa dhici karta in faafitaanka cudurkani uu faraha ka baxo haddii aanay dowladahu wax ka qaban xili hore isla markaana aan laga talaalin bulshada. Fara kabaxaasi ayaa yeelan kara saameyn lamid ah tii Safmarka COVID-19.

Xaaladahani deg-degga ah oo ay dunidu wajahayso ayaa sababey hoos udhac ku yimaada kororka dhaqaalaha dunida, wax soosaarka beeraha iyo wershadaha iyo isu socdoka caalamiga ah. Waxaa dib u dhac ku yimi gaadhista Himilooyinkii Horumarka ee ay dunidu ku taameysey. 

Dhibaatooyinkani waxaa ka horeeyey dhibaatada qul-qulka muhaajiriinta ka imanayey dalalka ay ka jirto shaqaaqooyinka, dagaalada, faqriga iyo shaqo la’aanta. Waxaa sidoo kale jirey dagaalada tobanaanka sano kabadan ka socdey qaar kamid ah waddamadii uu saameeyey Gugii Carbeed iyo kuwii ay dowladaha reer galbeedku ku duuleen.  

Duulaanka Ruushka ee Yukeyn – walaac muddo soo jiitamayey

Waxaa jirey walaac sannado badan soo jirey kaasoo ay dowladda Ruushku ka qabtey is balaadhinta gaashaanbuurta ay reer galbeedku ka boobeen oo loo yaqaano NATO. Waxaa jirey shaki uu aqalka looga taliyo Ruushka ee loo yaqaano Kirimlin uu ka qabey in dowladaha xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO iyo ururka Midowga Yurub ay doonayeen inay dowladda Yukeyn kusoo biiriyaan NATO in kastoo hannaanka ku biiristu uu qaadan karo sanado badan. Sidaa darteed Ruushku waxay arintani u arkayeen gardarro ay reer galbeedku ku doonayeen inay is balaadhintoodu ku keenaaan xuduudaha Ruushka. Dowladda Ruushka oo aaminsan in dagaaladii uu Maraykanku ku qaadey waddamada Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo taageeradii ciidan, sirdoon iyo dhaqaale ee uu ku bixiyey dagaaladii lagu bur-buriyey dowladihii ka dhisnaa Yaman iyo Liibiya iyo isku daygii lamidka ahaa ee la doonayay in lagu rido dowladda Suuriya iyo Masar ay dhamaantooduba ahaayeen gardarro aan geedna loogu soo gabban ayaa go’aansadey inuu danihiisa ka difaacdo reer Galbeedka isla markaana uu qaado weerar uu ku wiiqayo Yukreyn kuna joojinayo iskuday kasta oo ay NATO ugu biiri karto. 

Muddo ku dhow sanad ilaa laba sannadood maamulka Vladimir Putin waxaa uu ciidan boqolaal kun gaadhaya kusoo daabulayay xuduudaha waddanka Ruushka uu la leeyahay Yukreyn taasoo loogu diyaar garoobayay weeraro dhinacyo badan leh oo uu Ruushku ku doonayay inuu ku baab’iyo yididiiladii dowladda Yukreyn ay ku dooneysey in ay ugu biirto NATO isla markaana lagu rido dowladda ka jirta Yukreyn taasoo taageero ka haysata reer Galbeedka.  

Inkastoo dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO ay in muddo ahba digniino is daba joog ah kasoo saarayeen duulaankii uu damacsanaa waddanka Ruushka, digniinahaasi ayaan madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin dheg jalaq usiinin; waxaana si xowli ah kusii socdey isku dubbaridka iyo abaabulka dagaalka. 

Bishii February 2022, waxaa mareegta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Ruushka lagu daabacay in kabadan toban duulaano gardarro ah oo uu Mareykanku ku qaadey waddamo kulaala qaaradaha Ameerika, Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe ayada oo uu mar walba la isticmaalayey sirdoon been ah iyo dacaayado loogu qiil samaysanayay duulaano ujeedadeedu ahayd in lagu baab’iyo wadamadaasi laguna boobo hantidooda. Waxay duulanadaasi soo bilowdeen sannadkii 1846kii waxana u dambeeyey duulankii uu Maraykanku ku qaadey waddanka Ciraaq 2003dii iyo xulafadii uu Maraykanku ku hogaamiyey gulufkii ka bilowdey waddanka Suuriya 2014kii kaasoo ilaa maanta socda. Ujeedka dalka Ruushka ayaa ahaa inay caalamka u sheegaan in isla dowladaha maanta dhaleecaynaya duulaanka Ruushka ee Yukreyn sheeganayana inay difaacayaan xuquuqda bani’aadamka isla ayaga ku dhawaaad laba qarni ay maalinba waddan ku duulayeen ayadoo la istcimaalayay sirdoon been ah oo lagu marin habaabinayay dowladaha kale ee caalamka iyo Qaramada Midoobey. 

Xogihii is burinayey ee sirdoonka reer Galbeedka

Kadib bilowgii duulaanka Ruushka ee waddanka Yukreyn waxaa soo baxayay xogo is khilaafsan oo ay faafinayeen sirdoonka reer Galbeedka gaar ahaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo tan Ingiriiska ee MI6. Hay’adaha wax basaasa ayaa markii hore saadaaliyey in Ruushku muddo ku siman todobaadyo gudahooda uu ku ridayo dowladda ka dhisan Yukreyn isla markaana uu ku caleema saari doono dowlad cusub oo daba dhilif u ah aqalka looga taliyo Ruushka ee Kirimlinka. Saadaasha basaasiinta Mareykanka iyo reer Galbeedka kale ayaa ku saleysneyd inuu si fudud u baabi’ doono difaaca ciidamada Yukreyn iyo in caasimadda Kiyeef ay ku dhici doonto laba ilaa saddex todobaad gudahooda. Sidaa darteed waxay Maraykanku kula taliyeen madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy inuu ka cararo dalka oo uu saldhig kumeel gaadh ah ka dhigto dalka debaddiisa, waxaa taa ku gacan saydhey Zelenskyy. 

Isla sirdoonkii reer galbeedka ayaa muddo todobaadyo kadib soo saarey in Ruushka si fudud loogu jebin doono dagaalada isla markaana difaacyada adag ee ciidamada Yukreyn iyo iska caabinta shacabka reer Yukreyn ay mucjiso ku noqotey caalamka. Ayagoo kaduulaya xogogahaa cusub ayaa aaminey in dagaalku uu waqti yar kusoo gaba gaboobi doono isla markaana Ciidanka Qalabka Sida ee Ruushanku ay kacdoono sameyn doonaan kaasoo suuragal noqon karto in lagu khaarijiyo Putin laguna soo afjaro taliskiisa.  

Hanjabaadaha Reer Galbeedka iyo Qab weynida Ruushka 

Dagaalka ayaa durba bilowdey inuu saameyn ku yeesho gudaha iyo debedda wadamada Ruushka iyo Ukreyn. Reer galbeedka ayaa digniino is daba joog ah u dirayay Ruushka ayagoo ugu baaqayay in uu joojiyo dagaalka isla markaana uu la fadhiisto Yukreyn. Waxaa fashilmey dadaalo ay wadeen dowladaha Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga kaasoo lagu doonayay in Ruushka lagu cadaadiyo inuu ogolaado wada hadal. Ruushka ayaa ku gacan seydhey joojinta dagaalka ka hor inta laga gaadhayo ujeedada dagaalka. Reer Galbeedku waxay balaayiin doolar, saanado militeri, caloshooda u shaqeystayaal lagu sheegey inay yihiin mutadawiciin iyo gargaar caafimaad ku daabuleen Yukreyn si niyadda loogu dhiso Yukreyn looguna muujiyo hiil walaal. Qaxootiga reer Yukreyn ayaa si ka duwan sidii horey looga bartey wadamada reer Yurub si fudud irdaha loogu furey lana siiyey deganaansho. Warbaahinta reer Galbeedka iyo kuwa dhankooda u jan-jeedha ayaa gudbinayay fariimo ay ku dheehan tahay cunsurinimo kaasoo ay ku sheegayeen in qaxootiga reer Yukreyn ay ka duwan yihiin kuwii ka imanayay Afrika iyo Bariga Dhexe. Siyaasiinta reer Galbeedka ayaa cuqdadda koowaad ee ay u qaadeen Putin ay ku sheegeen inay tahay inuu aag dagaal kasameeyey gobol Yurub ka tirsan ayagoo ula jeedey in dowlada dunida saddexaad ay caan ku yihiin dagaalada.   

Waxay cunaqabatayno kusoo rogeen waddanka Ruushka, si aan horey loo arag loona saadaalin Ruushku waxa uu noqdey dal ay saaran tahay cunaqabatayta ugu badan ee dunida maanta. Dadka Ruushanka ayaa la kulmey takoor iyo isir neceyb kusaleysan dhalashadooda iyo isirkooda Ruush ahaan.  

Siyaasadda reer Galbeedka ee cunqabateynta Ruushka iyo taageerada kal iyo laab ee Yukreyn ay u fidinayeen ayaa kusaleysneyd saadaal khaldan oo ay sameeyeen sirdoonka reer Galbeedka taasoo gundhiggeedu ahaa:

1. In ay cunaqabateynta reer Galbeedku horseedi doonto inuu daciifo Ruushka, dakhligiisa uu hoos u dhaco, heerka maciishadda shacabka Ruushanka uu noqdo mid dhulka ku siman. Sidaa darteed halkaa uu ka dhasho kacdoon dad weyne lagu doonayo is bedel laguna ridayo nidaamaka dalka kadhisan oo uu hoggaaminayo Putin.

2. In dagaalka uu qaadan karo waqti aad u kooban, cunaqabatayntuna ay culeys ku noqon doonto hoggaanka Ruushka inuu sii wado maalgelinta duulaankiisa. Sidaa darteed ay tani ku khasbi karto Putin inuu wada hadal oggolaado sidaana ay dowladda Yukreyn ku sheegato guul ay kaga adkaatey Ruushka, dalkeedana ay ku difaacatey. 

3. In go’doominta caalamiga ah ee Ruushka ay horseedi karto in dowladaha caalamka oo idil oo ay ku jiraan saaxiibada Ruushka ee Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika ay la safan doonaan reer Galbeedka, sidoo kale inay dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo qaar kamid ah xubnaha ka bahoobey ururka dowladaha saliidda soo saara ee OPEC ay ku qanci doonaan in la kordhiyo wax soosaarka saliidda si looga maarmo saliidda Ruushka.  

Ruushka ayaa u muuqdey inuu u diyaarsanaa fal celin kasta oo uu kala kulmey reer Galbeedka iyo cunqabataynaha caalamiga ah. Uma jixin jixin digniinihii is daba joogga aha aiyo cunaqabataynaha noocyada badan ee la saarey. Qab weynida iyo isku kalsoonaanta Ruushka ayaa beeneysey saadaashii reer Galbeedka. Dagaalka ayaa noqodey mid aad u daba dheeraadey kaasoo saamayn dhaqaale oo aad u adag ku haya dowladaha reer Galbeedka oo diidan in loo arko inay dhabarka u jeediyeen Yukreyn sidaa darteedna ku daabulaya balaayiin doolar in kastoo muwaadiniintooda ay sicir barar iyo dhaqaale xumo ka cabanayaan. Sidoo kale dowlada xubnaha ka aha OPEC gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iska diidey inay u hoggaansamaan dalabyadii ahaa inay kordhiyaan wax soosaarka saliidda si looga maarmo saliida Ruushka, waxayna sheegeen inay ixtiraami doonaan heshiisyada OPEC iyo Ruushanku ay kuwada jiraan. Sidoo kale Qaaaradda Afrika oo dhibbane u ah gumeysigii reer Yurub iyo siyaasadaha qalafsan ee reer Galbeedka ayaa qaadatey go’aan dhex dhexaadnimo waxayna waddamada Afrika ugu tunka weyn iska diideen inay la saftaan reer Galbeedka.    

Midowga Yurub oo wadnaha iska toogtey 

Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si adag uga hor yimi Ruushka, waxay hormuud u noqdeen go’doominta iyo cunaqabataynta Ruushka. Waxaa dhacay kulamo badan oo Mareykanka iyo Midowga Yurub u dhaxeeya, waxaa jira is weydaarsi qoto dheer oo sirdoonka ah. Hase ahaatee, reer Yurub waxay ilaaween inaanay ka maarmi doonin Ruushka. Si kaduwan Mareykanka reer Yurub waxay 40% gaaska dabiiciga ah ka helaan waddanka Ruushka. Sidoo kale in kudhow 30% saliidda waxay uga timaadaa waddanka Ruushka. Gaaska iyo Saliidda ayaa labadaba soo mara tuubooyin kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha kuwaasoo badda hoosteeda soo mara ayagoo gaaska iyo saliidda ka keenaya Ruushka una soo dhoofinaya dalalka Yurub. Ma jiro qorshe dhow oo ay reer Yurub haystaan si looga dal doorsado Ruushka loogana maarmo gaaskiisa dabiiciga ah iyo saliiddiisaba. 

In kastoo madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy ay qayladii ka dhamaatey asagoo ugu baaqaya reer Yurub inay joojiyaan balaayiinka doolar ee ay ku iibsanayaan saliidda iyo gaaska Ruushka, hadana reer Yurub waxay waayeen qorshe kale oo ay ku bedeshaan Ruushka. Reer Yurub waxay filayeen in Mareykanka uu buuxin karo kaalinta Ruushka oo uu usoo dhoofin doono gaaska dabiiciga ah. Sidoo kale waxay aaminsanaayeen OPEC inay buuxin doonto kaalinta Ruushka oo saliid badan suuqa lasoo gelin doono si looga maarmo tan Ruushka. Dhamaan qorshahaa ayaa guul dareystey ama keeni waayey natiijo wax ku ool ah.  

Dalka Ruushka ayaa dhamaan dowladaha ka iibsada saliidda iyo gaaska ee ka tirsan Midowga Yurub u sheegey inay ku bixiyaan biilasha gaaska iyo saliidda lacagta Ruushka ee loo yaqaano Ruble si looga hor tago hoos u dhac ku yimaada qiimaha lacagta laguna xoojiyo dhaqaalaha. Tani ayaa jawaab celin u ahayd go’doominta Ruushka iyo cunaqabateynaha la saarey Ruushka. Qaar kamid ah dowladihii diidey inay u hogaansamaan go’aanka Ruushka ayaa gebi ahaanba laga joojiyey gaaska iyo saliidda. Arintani ayaa lama filaan iyo uqaadan waa ku noqotey reer Yurub oo aaminsanaa in wax kastoo dhacaba uu Ruushku sii daciifi doono una baahan yahay dhaqaalahooda. 

Reer Yurub oo aanay u diyaarsanayn inay arkaan jawaab celinta deg degga ah ee Ruushka iyo dagaalka oo daba dheeraadey ayaa niyad jab kaqaba siday wax u socdaan ayadoo oo waqtigii qaboobaha jiilaalka oo gaaska dabiiciga ah aad loo isticmaalo si loogu diiriyo guryaha, goobaha shaqada iyo biyaha uu kaabiga kusoo hayo reer Yurub. Waxaa sidoo kale kor u kacay qiimaha cunnada iyo saliidda cunnada qaar kamid ah waddamada reer Yurub. Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa dhawaan soo rogey go’aan ah in la xadido xadiga saliidda cunnada uu qof walba iibsan karo bishiiba. Sicir bararka ayaa gaadhey heer aan horey loo saadaalin, waxaa taas usii dheer qaxootiga reer Yukreyn oo dul saar ku noqdey. Dhamaan arimahani ayaa sababay in madaxda dowlaha reer Yurub ay seexan waayaan ayagoo dhanna ka baqaya in sii socoshada dagaalku ay sii kordhin doonto saameynta adag ee dagaalka taasoo ugu dambeyn keeni karta kacdoon dad weyne lagu doonayo in lagu rido xukunkooda. Waxaa xusid mudan in Ra’iisul wasaarihii waddanka Talyaaniga lagu khasbey inuu is casilo todobaad kahor ayadoo Faransiiskuna ay ka jirto kala qaybsanaan dad weyne. Dhanka kale reer Yurub waxay ka baqayaan inay dhabarka u jeediyaan Yukreyn ayadoo difaaca Yukreyn kumicneeyey inuu kadhigan yahay difaaca qiyamka reer Yurub iyo dimoqraadiyadda. Marka la eego arimahani isku wada cakiran ayaa waxaa adag in ay reer Yurub helaan waddo ay uga baxaan dhoobada ay cagaha lagaleen, go’aannadii ay qaateen ayaa noqdey kuwa natiijadooda guracani ay kaweyn tahay natiijada wanaagsan ee laga filan karey. Waxaana adag in marxaladdan la joogo ay dib u gurasho sameeyaan oo ay ogolaadaan inay qanciyaan Ruushka taasoo muujin karta daciifnimo iyo dulinimo lamid ah tii ay ku eedeeyeen Donald Trump markii uu la heeshiyey Taalibaan ogolaadeyna inuu ciidanka Mareykanka kasoo saaro Afghaanistaan ayadoon wax guulo ah la gaadhin labaatan sanno kadib.

Sidee reer Yurub uwaajihi doonaan Jiilaalka qabow ee foodda kusoo haya 

Bilaha Sebtembar iyo Oktoobar ayaa waxaa inta badan ka bilowda waddama reer Galbeedka xiliga Deyrta kaasoo ah bilowga koowaad ee qaboobaha. Bilaha Nofembar iyo Desembar ayaa waxaa si rasmi ah u bilaaban doona xiliga qaboobaha adag. Guryaha, xafiisyada, goobaha ganacsiga, xarumaha dowladda, goobaha dadweynaha sida goobaha laga raaco tareenada ayaa intaba u baahan doona in laga shido qalabka lagu diirsado oo ku shaqeeya gaaska dabiiciga ah. Sidoo kale biyaha ayaan la isticmaali Karin haddii aan la diirin. Reer Yurub waxay doonayeen inay ka faa’ideystaan bilaha ka hadhey xiliga Deyrta iyo qabowga Jiilaalka oo ay buuxiyaan haamaha kaydka gaaska si aan u dhicin kala go’ ku yimaada gaaska isla markaana looga maarmo Ruushka. Hase ahaatee Ruushka oo fahamsan arintaa ayaa todobaadkii tegey mid kamid ah dhuumaha gaaska Yurub keena jarey ayadoo qiil looga dhigey inay jirtey cilad farsamo. Reer Yurub ayaa fahamsan inay tani ahayd wax lagu hor istaagayo inay sii buuxsamaan haamahooda kaydka gaaska. Sidaa darteed waxaa jira niyad jab iyo baqdin wayn oo ka jirta Yurub iyadoon la ogeyn sida nolosha loo maareyn karo. 

Qaar kamid ah dowladaha reer Yurub ayaa soo saareey go’aano dadka lagu barayo inay la qabsadaan xaaladda nololeed ee cusub ee ka dhalatey gaaska iyo saliidda Ruushka oo sii yaraanaya. Dadka waxaa loo sheegey inaanay isticmaali karin qaboojiyaha (Mukeyf) ay darajadiisu ka hooseyso inta u dhaxaysa 25 ilaa 27 darajo ayadoo horey la isticmaali jirey inta u dhaxaysa 18 ilaa 20 darajo. Sidoo kale waxaa la go’aamiyey in la bakhtiiyo nalalka meelaha qaar iyo in goobaha dadweynaha qaar laga jari doono gaaska lagu diirsado. Waxaa dadka loo sheegey inay yareeyaan maydhashada ama qubeyska jidhka iyo inay biyaha goobaha lagu dabaasho aan la diirin doono xiliga qaboobaha si loo yareeyo isticmaalka gaaska dabiiciga. Xaaladani nolol ee cusub waxaa dheer in Ra’iisul Wasaaraha Spain uu todobaadkii hore sheegey in lajoojin doonto xidhashada qoor xidhka (Cravat, Necktie) si looga baaqsado inay dadku dareemaan kuleyl markay xidhan yihiin qoor xidhka kaasoo ku khasbi kara inay ubaahdaan mukeyf kushaqeeya gaask ka yimaada Ruushka.

Reer Yurub ayaaney marna ka fekerin xaaladdani nololeed ee cusub waxayna dad badani xasuusinaysaa dhibaatada koronto la’aanta ah ee kajirta qaar kamid ah waddanada Aasiya iyo Afrika oo ku khasbey inay la qabatimaan la noolaanshaha kuleylka daran iyo qabowga ayadoon la isticmaalin qaboojiye ama gaaska dabiiciga ah ee diirinta guryaha iyo biyaha. Ma cadda siday ula qabsan doonaan reer Yurub maadaama xaddiga kuleylka xiliga Xagaaga iyo qabowga Jiilaalkuba uu aad u sareeyo. 

Turkiga oo ku naaloonaya siyaasad dhex-dhexaadnimo 

Turkiga oo ah dalka labaad ee ugu cududda weyn gaashaambuurta NATO isla markaana u sharaxan kamid noqoshada Midowga Yurub ayaa iska diidey inuu u hoggaansamo go’aanada go’doominta Ruushka ee ay gaadheen reer Galbeedka. Taa bedelkeeda dowladda Ankara waxay xidhiidh dhow la yeelatey dowlada Ruushka iyo Yukreyn ayadoo eegeysa danaha dadka iyo dalka Turkiga kana baaqsanaysa cawaaqib xumada ka dhalan karta inay hal dhinac la safato. Dalka Turkiga waxaa uu kamid yahay dowladaha ku tiirsan gaaska dabiiciga ah ee Ruushka, sidoo kale dalxiisayaal badan oo Ruushan ah ayaa sanad kasta yimaada waddanka Turkiga kuwaasoo lacago badan dalka soo geliya. Waxaa intaa dheer in waddanka Yukreyn uu kamid yahay dowladaha macmiisha u ah Turkiga markey timaado farsadamada difaaca iyo saanada mileteri.  

Turkiga ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iideysey siyaasaddiisa:

1. Markii uu dagaalku bilowdey waxaa tobanaan kun oo muwaadiniin Turkish ah si fudud looga soo saarey waddanka Yukreyn ayadoo loo direy dayaarado gaar ah. Arintani ayaa suuragashey kadib markii ay dowladda Ruushka ogolaatey inay siiso marin ay kaga soo baxaan Yukrayn kuna yimaadaan Ruushka halkaasna laga soo daabuley. Tani may suuragasheen haddii uu Turkigu hal dhinac la safan lahaa.

2. Turkiga waxaa uu si joogta ah waddanka Ruushka uga helaa gaaska dabiiciga ah iyo qaar kamid ah cunnada sida saliidda cunnada ayadoon wax kala go’ ah ku iman. Tani ayaa dadka kunool waddanka Turkiga u oggolaatey inaaney ka walaacin xiliga kuleylka iyo qaboobaha labadaba. In kastoo uu jiro sicir barar muddo soo jiitamayey hadana ma jiro saameyn gaar ah oo ka dhalatey siyaasadda Turkiga ee ku aaddan dagaalka.

3. Turkiga waxaa uu diyaaradaha aan cidna wadin ee loo yaqaano Drones ka iibiyey waddanka Yukreyn kuwaasoo ciidanka Yukreyn uga faa’iideystey difaaca hawada iyo fashilinta weerarada Ruushka ee dhanka dhulka. Iibka dayaaradaha ayaa ah dakhli usoo xaroodey Turkiga, waxayna sidoo kale reer Yukreyn ugu muujiyeen dareen ah in ganacsiga difaaca ee kadhaxeeya aanu wax saameyn ah ku yeelan xidhiidhka ay la leeyihiin Kirimlinka. Sidoo kale, Turkiga waxaa uu gar-gaar barni’aadminimo u direy Yukreyn, waxaa sidoo kale uu qaabiley qaxooti badan oo reer Yukreyn ah kuwaasoo usoo cararey Turkiga.

4. Turkiga waxaa uu ka faa’iideystey bilyaneerada Ruushanka oo kasoo cararey saameynta dagaalka. Bilyaneeradani ayaa lacagahooda usoo wareejiyey baananka Turkiga ayagoo maalgashi ka samaysanaya Turkiga. Tani ayaa ka farxisey dowladda Ruushka maadaama badankoodu ay ku xidhan yihiin aqalka Kirimlinka sidaa darteed waxay sare u qaadey kalsoonida Ruushku ay ku qabaan Turkiga. Sidoo kale waxay Turkigu heleen balaayiin doolar oo ay salka uga dhigi karaan lacagta Liiraha Turkiga oo tan iyo sannadkii 2021 uu qiimaheedu hoos u dhacayay.

5. Dowladda Turkiga ayaa noqotey dowladda qudha ee ay labada dhinac ee dagaalamaya ay si isku mid ah ugu wada qanacsan yihiin. Waxay dowladda Turkiga marti gelisey shirar dhowr ah oo lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac. Waxaa jirey kulamo badan oo madaxda Turkigu oo u kujrio madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay la yeesheen madaxda Ruushka iyo Yukayn. Ugu dambeyn waxay Turkigu ku guuleysteen in la saxiixo heshiis ay iska kaashadeen Qaramada Midoobey kaasoo lagu furayo marin uu soo maro qamadiga ku xaniban dekedaha waddanka Yukreyn si looga baaqsado in ay dhacdo macluul iyo gaajo ka dhalata kala go’a qamadiga Yukreyn. Heshiiskani ayaa horseedey in magaalada Istanbul todobaadkani laga furo xarun qaabilsan isku dubbaridka taasoo ay kuwada shaqeynayaan saraakiisha difaaca ee dowlada Turkiga, Yukreyn iyo Ruushka iyo saraakiil metalaya Qaramada Midoobey. Arintani ayaa sare u qaadey maqaamka caalamiga ah ee Turkiga waxayna noqotey arrin ay kula gor-gortami karto waddamada reer Galbeedka markay timaado danaheeda gaarka ah. 

Si lamid ah sida waddamada reer Galbeedka haddii uu Turkigu go’doomin lahaa Ruushka way adkaan lahayd inuu Turkigu gaadho guulahaa siyaasadeed iyo dhaqaale. Reer Galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa wadahadalada Ruushka marti uga ah waddanka Turkiga waxaana adag inuu dhaco heshiis lagu joojinayo dagaalka Yukreyn ayadoo aan laga qayb gelin Turkiga.  

Qurbajoogta Soomaalida maxaa la gudboon?

Qurbajoogta Soomaalida ee ku nool waddamada reer Galbeedka ah ayaa la gudboon inay la jaan qaadaan xaqiiqda nololeed ee cusub ee Yurub. Soomaalida oo u samaysan qoysas balaadhan maadaama halkii qoyba uu kakooban yahay xubno badan ayaa waxaa la gudboon in xiliga qaboobaha ay yareeyaan qolalka hurdada ay isticmaalaan isla markaana ay isku filneysiiyaan ugu badnaan laba qol gaaskana kaxidhaan qolalka aan la isticmaalin. Tani ayaa ah mid ay duruufaha nolosha cusub keentey waxayna yareyneysaa isticmaalka gaaska iyo in laga fogaado ganaaxa dowladda haddii gaaska si xad dhaaf ah loo isticmaalo. 

Soomaalida waxaa sidoo kale la gudboon inay u diyaar garoobaan biilasha adag ee gaaska dabiiciga ah maadaama la filayo in qiimaha gaaska dabiiciga ah uu saddex laab kordhi doono. Sidaa darteed, waxaa haboon miisaaniyad gaar ah inay u qoondeeyaan si ay uga bad-baadaan in laga goosto gaaska kahor dhamaadka xiliga qaboobaha ama lagu soo rogo ganaax.

Haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan inay qurbajoogta Soomaalidu ay xiliga qaboobaha u safraan meelaha aanay ka jirin qabowga oo ay si fudud ugu noolaan karaan ayadoo aan la isticmaalin wax gaas ah. 

Dr Hussein Y. Hassan

Qoraaga maqaalkani waa Khabiir Arrimaha Bani’aadminimada ah oo qayb ka ahaa gar-gaarka bani’aadminimo loo fidinayay Qaxootiga reer Yukreyn.

hssn.hassan@icloud.com
Twitter: @HHassan005    

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Allbanaadir Media. Allbanaadir Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.



Source link