Home Xogta Dahsoon Dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay Gobolka Mudug & Wararkii ugu danbeeyay

Dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay Gobolka Mudug & Wararkii ugu danbeeyay




Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in laba qarax miino ay Maanta ka dhaceen degaano ku yaal inta  dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Qaraxyada oo ahaa kuwa dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay inay ka kala dhaceen wadooyinka ka kala yimaada Camaara iyo Kala Beyr, kuwaas oo galla Magaalada Bacadweyne, waxaana labada qarax ay kala qabsadeen Gaari nooca raaxada ah iyo mooto bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo isugu jira Carruur iyo Haween tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Wadada xiririsa Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug ayaa dagaalo culus waxaa ay ku dhex-mareen Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab, sidoo kalena Ciidamada ay dhowr jeer howlgal miino baris ah ka sameeyeen.

 



Source link