Daawo: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Kismaayo?

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Somalia ee ay deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:- HOP#072, HOP#130 iyo HOP079. waxaana ku soo baxay:-1- Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 75 cod ayaa ku guuleystay kursiga HOP#072.

2-Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa isna kusoo baxay kursiga HOP#130.

3-Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuulow) oo helay 74 Cod ayaa kusoo baxay kursiga HOP079.

Xubnaha soo baxay ee uu ka midka yahay C/rashiid Xidig ayaa guushooda horey loo sii oogaa, maadaama loo xiray kuraastan, waxayna aad ugu dhow yihiin Axmed Madoobe.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, walow ay weli caqabad ka taagan tahay deegaan doorashada labaad ee Garbahaarey, wuxuuna maamulka Axmed Madoobe horey u shaaciyey in doorasho aysan ku qaban karin gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada baarlamaanka ayaa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan Febraayo, balse waxa ay u muuqaataa inay doorashada dib usii dhici doonto.

Source link