DAAWO: Xildhibaankii lagu eedeeyay inuu katirsan yahay Al Shabaab oo Ku Hanjabay inuu Maxkamad la korayo Goodax Barre

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana shalay wasiirka waxbarashada uu ku tilmaamay inuu wakiil u yahay Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay In Xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen arintaasi, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan Wasiirka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Dacwad ay ka gudbin doonaan Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, isagoona Sheegay in dacwada ay u gudbi doonaan Gudigga Anshaxa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu tilmaamay in wasiirka waxbarashada Soomaaliya sidan oo kale uu eed u jeediyay xildhibano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

ALLBANAADIR MEDIA