Daawo: Xildhibaan shaaca ka qaaday in mushaarkii laga jartay loona hanjabay








mogadishu (Allbanaadir Media) – Waxaa sii cakirmeysa xaaladda maamul ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya, wixii ka dambeeyey markii hoggaanka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taabici uu u ahaa hoggaamiyaha maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan Cumar oo maanta warbaahinta kula hadashay mogadishu ayaa sheegtay in mushaarkii laga jartay, sidoo kalena loo hanjabay.

Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in loogu hanjabay in xasaanadda xildhibaanimo laga qaadi doono, hadii aysan joojin hadallada uu dhibsanayo hoggaamiyaha maamulkaas.

Waxay intaas ku sii dartay in si gooni ah loo baacsado xildhibaanada iyo qof kasta oo isku daya inuu ka hadlo dhibaatada amni ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan waxay codsatay in Koonfur Galbeed la badbaadiyo oo loo sameeyo hoggaan ka saari kara go’doona ay dhowr iyo tobanka sano ku jirto.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdulqaadir Jookar ayaa shirkaan jaraa’id ku soo bandhigay caburin iyo tacadiyo ay ka tirsanayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu si cad u diiday in sharciga lagu dhaqmo, isla markaana xukuumadiisa lala xisaabtamo.

Hoos ka daawo muuqallada










Source link