DAAWO: Xildhibaan Dhalxa oo markale si adag kabaha ula dulmaray reer mudug (Muuqaal Qosol Badan)

Xildhibaan Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo soo noqday Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya kana hadlayay munaasabad uu musharaxnimadiisa ku soo bandhigayay mid kamid ah musharaxiinta Madaxweyne-nimada Galmudug, ayaa kaftan siyaasadeed duurxul ah u gudbiyey bulshada gobalka Mudug oo lagu xanto inta badan in ay yihiin dad ad adag oo karti badan.

Dalxa ayaa sheegay in maanta arrimaha waa weyn ee muuqda Soomaaliya ay ka mid yihiin in Reer Mudug oo lagu yaqaanay adeyg iyo biseyl la`aan siyaasaded ay Soomaalida kale oo dhan ka wacdinayaan in dhibka layska dhaafo.

HALKAN RIIX KA DAAWO MUUQAALKA

Dalxa ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin haddey yihiin dadkii Muqdisho loogu yimi in maanta dhibtu ay soo kartay dadka gobalka Mudug oo ay raadinayaan nabad, daganaansho iyo dawladnimo, isagoo sheegay in markii ay dhacday dawladnimadii Soomaaliya cidda kaliya ee ay aamineen ahayd dadka gobalka Mudug.

DAAWO MUUQAALKA