DAAWO Video: Cod Sir ah oo laga duubay Fahad Yaasiin oo Xildhibaan u hanjabaya

Fahad Yaasiin Xaaji Dahir, Ku-simaha Taliyaha NISA ayaa ku goodiyay inuu dacwad ka gudbinayo, islamarkaana sharciga la tiigsanayo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka, kadib markii uu ka carooday su’aal uu weydiiyey xildhibaanka.

Zakariye Gaashaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo ay hortageen Taliyeyaasha ciidamada iyo Wasiirada Amniga & Gaashaandhigga, loogana hadlayay arrimaha ammaanka ayaa si toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrimo ku saabsan in NISA ay xiriir la leedahay Shabaab iyo sababtii xilka looga eryay taliye ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla oo sheegay in Shabaab ku dhex milmeen hoggaanka NISA.

Fahad Yaasiin oo hadalkaasi aad uga carooday ayaa ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogayo xildhibaanka, balse xildhibaan Zakariye ayaa diiday inuu raali gelin bixiyo, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay in Fahad laga doonayo inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Fahad Yaasiin ayaa yiri “Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo, Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas, hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa”.

Dhinaca kale Ku-simaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday.

Somalida ku xiriirta barta Facebooka ayaa aad u hadal heysa kulankii Baarlamaanka maanta gaar ahaan hadalada dhexmaray Ku-simaha NISA iyo Xildhibaan Zakariye Gaashaan.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA