DAAWO: TV Somali ah oo Banaanka Soo Dhigay Haween Kirishtaan ah oo Xirta Dharka Islaamka +Sabab Cajiib ah oo la ogaaday

Kasukoow dhaqan ahaan dadka dunida ku nool waa ay kala duwan yihiin waxaase dhinaca kale jira astaamo lagu kala garto labiska dadka oo lagu kala ogaan karo Diin ahaan waxa uu yahay qofka.

Xijaabka iyo Indhashareerka waa labis ugaar ah Dumarka Islaamka waana mid kamid ah waxyaabaha alle faray Dumarka Muslimiinta ah.

Marka aad aragto Dumar aan islaam ahayn oo xiran labiskii lagu yaqaan gabdhaha muslimiinta waxay kula noqonaysaa arin aadan aqbalayn laakin Xaafadda Somalidu dagan tahay ee kutaal Nairobi ee loo yaqaan Islii ayaa lagu arkay dumar xiran dharka gabdhaha muslimiinta kuwaas oo aan ahayn gabdho Muslim ah.

Qaarkood oo la wareeystay waxay sababta kusheegeen in ay doonayaan in ay helaan dhaqaale isla markaana ay dawarsadaan, waxaana ay qeexayaan waxa ay labiskaan kudoorteen iyagoo aan Muslim ahayn.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

ALLBANAADIR MEDIA