Home Warka Maanta DAAWO: Sucuudiga oo Ku Dhawaaqday Inay Badalaayso Calankeeda,Kooxda Ka Shaqeysa Badalida calanka...

DAAWO: Sucuudiga oo Ku Dhawaaqday Inay Badalaayso Calankeeda,Kooxda Ka Shaqeysa Badalida calanka Yey Yahiin

Buuq Ayaa Hadheeyey Baraha Bulshada Twiterka Sucuudiga,kadib Soo Jeedin in Calanka Sucuudiga La Badalayo,balse Waxaa kasii Buuq Badnaa Soojeedinta Dadka Qaar Ilaa Ay Sheegeen Calanka Sucuudiga in Astaanta Bisha Dhexda Looga daro,taasi oo Dowlada u Aragto Qorshe Turkiga iyo Cusmaaniyintii oo Durba soo Deg Degey.

Kadib Markii Isbadal Kasta uu Sameeyey Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Waxaa Markani Buuq Ka Dhashay In Calanka Sucuudiga Laga saaro Astaanta Seefta,

Soo jeedin ah in seefta lagu Dhex sawiro jumlada ah “ilaah ma jiro Illaha Weyn Mooye , muxamedna waa rasuulkii ilaahay” ee calanka sacuudiga ayaa dareen ka dhaliyay barta Twitter-ka, inkasta oo muranka ku saabsan badalashada calanka uu ahaa mid qadiimi ah Sacuudi Carabiya.

Qoraaga reer Sucuudiyiinta ee Fahd Amer Al-Ahmadi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Waxaan soo jeedinayaa in seefta laga saaro calankeena Sucuudiga maxaa yeelay kuma haboona marka hore xilligan aan ku jirno, tan labaadna waxa weeye Inaysan Seefta lajaan Qaadayn Shahaadada: Ma jiro ku qasbid diinta, iyo tan saddexaad oo ah in la diido eedeymaha rabshadaha iyo dilka ee ku saabsan diinteena saxda ah, iyadoo la ogyahay in calanka Sacuudiga uu isbadalay lix Dhowr jeer oo uusan seef Lahayn, sida ka muuqata sawirada. Wuxuu Twitter-ka ku soo lifaaqay sawir uu sheegay inuu sharraxayo isbeddelka ku yimid calanka Sacuudiga muddo kadib.