DAAWO: Saraakiishii soo goosatay oo Hanjabaad Culus u dirtay Muuse Biixi “Saacadaha Soo Socda Calanka Soomaliya ayan ka taagaynaa Ceerigaabo”

Xaflad maanta ka dhacday magaalada Balli-Busle ee gobolka Sanaag oo lagu soo dhaweynayay saraakiil iyo askar kasoo goosatay Maamulka Somaliland ayaa hanjabaad culus markale loogu diray maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Hanjabaada badankeeda waxaa xafladda ka jeediyay qaar kamid ah saraakiishii xafladda loo qabtay ee sida rasmiga ah uga soo baxay kamid ahaanshaha maamulka Somaliland.
Xeyle Xaaji Diraac oo kamid ahaa saraakiishii ugu sarreysay Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa munaasabadda ka sheegay sababta ay usoo goosteen isagoona si cad ushaaciyay in lagu soo duulay dadkoodi una dulqaadan waayeen gardarada maamulka Hargaysa.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Waxa uu ku hanjabay in hadda ay bilaabayaan abaabul dagaal oo guud ahaan gobolka ay kaga xorreynayaan maamulkaasi kaasi oo sheegay in xilliyada soo socda dhagaha shacaka somaliyeed ay maqli doonaan war lagu farxo lagana taagi doono calanka Somaliya magaalooyin ay kamid tahay Ceerigaabo.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA