Home Warka Maanta DAAWO: Rooble Oo Amaro culus soo saaray kana Hadlay Doorashada Dalka

DAAWO: Rooble Oo Amaro culus soo saaray kana Hadlay Doorashada Dalka




Ra’iisul Wasaaraha Dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka guddoomay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda ku aadan xal u helida arrinta Gobolka Gedo.

Guddigan oo ka koobnaa afar Wasiir Dowlad Goboleed ka socday Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo safaro ku tagay Garbahaarey iyo Kismaayo.

Maxamed Cali Caadle ayaa hogaaminaya Guddiga waxaana uu sheegay in waxyaabo badan uqabsoomeen ayna rajo ka qabaan in xal laga gaaro adinka Gobolka Gedo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Axmed Madoobe loo Gudbiyey warqadaha Murashaxiinta maamulka Cusub Degmada Garbahaareey islamarkaana dhawaan uu soo magacaabi doono.

Rooble ayaa sheegay in ay muhiim tahay qof walbo xaq wuxuu leeyahay aan laga hor istaagi karin si gaar ah Murashaxiinta utaagan xildhibaanada loo diidi karin deegaan Doorashadooda.

Wuxuu Amar kusiiyey Hay’ada Duulista hawada in aan diyaarad usocota Kismaayo AMA Gedo oo Murashax saaran yahay la hor istaagi karin.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA R/WASAARE ROOBLE 





Source link