DAAWO: Ragii Kufsaday Caaisha ilyaas “Maxaad ka ogtahay Xeeladaha Cajiibka ah ee ay isticmaaleen, si ay uga baxsadaan baaritaanka (Muuqaal Cajiib ah)

Xarunta baaritaanka hidda-sidaha ee Garoowe ayaa ka qeyb qaadatay baaritaanka kiiskii Caa’isha Ilyaas oo kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa baaritaan ku sameysay sida uu falkaasi u dhacay iyadoo adeegsaneysa baaritaan lagu sameeyay raggii la eedeeyay iyo jirka Caaisha Ilyaas.

Hay’adda ayaa laantaa sirdoonka Puntland ay weydiisatay in ay baaraan falkaasi iyagoo adeegsanaya qalabka casriga ah ee ay haystaan.

“Waxaan ka codsanay in la xafido meeshii maydka laga helay waxayna inoo sheegeen in la qaaday”, ayuu yiri gudoomiyaha xarunta DNA-ga lagu baaaro ee Garoowe, Cabdirashid Maxamed Shire.

RIIX HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

Cadeynta ay hay’addan soo bandhigtay ayaa la horgeeyay maxkamadda ugu sareysa Puntland, oo Sabtidii xukun ku riday qaar ka mid ah eedeysanayaasha.

Madaxa hay’adda Baaritaanka hidda-sidaha ayaa BBC Somali u sheegay: “Waxaa weydiisanay in la geliyo mayda qaboojiyaha oo aan la dhaqin, qofna uusan taabanin intaan ka soo safrayno Garoowe oo aan Gaalkacyo ka tagayno”.

Waxyaabaha la baaray waxaa ka mid ahaa qofkii taabtay jirka Caaisha iyo hidda-sidayaal kale. Wuxuu baaritaanka bilowday 25kii bishii Febraayo Tijaabooyiinkii laga qaaday ayaana loo gudbiyay xarunta Garoowe oo baaritaanka lagu sameeyay.

RIIX HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

“Waxaan runtii ka qaadnay saambalo aad u badan. Qaar waxaan ka qaadnay qeybteeda qaaska u ah. waxaan kaloo tijaabo ka qaadnay qeybo muhiim ah, waxaa ka mid ahaa timeheedii, cidiyeheedii iyo qeybo ka mid ah jirkeeda oo dhaawacyo ay ku yaalleen”, ayuu yiri Cabdirashid.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Sidoo kale waxaa DNA laga baaray dharkii ay xirneyd Caa’isha markii kufsiga iyo dilka loo geysanayay.
Baaritaanka raggii la eedeeyay
Waxaa tijaaabooyiin laga qaaday raggii lagu eedeeyay in ay kufsadeen Caa’isha ka dibna dilka u geysteen.
“Wax dhaqan ah ma uu sameynayo haddii aadan haysan saambaladii aad soo qaaday wax la barbardhigo”, ayuu yiri madaxa hay’adda baaritaanka sameysay.

Sida lagu xusay gebagebadii baaritaanka, ragga qaar ee la eedeeyay waxaa la sheegay in ay isticmaaleen xirfado ay isku deyeen in ay kaga baxsadaan baaritaanka.

Dhaqtarka ayaa sheegay in tijaabadii lagu sameeyay xubinta taranka ee gabadha in ragga qaar ee kufsiga geystay, laga heli karo unugyada wixii ka soo baxay.

“Wax yaaabaha cajiibka ah ee inoo soo baxay waxa ay tahay in dhecaan ragga ka yimi inaan meesha laga helin. Taas waxay cadeyneysaa in dadkii geystay kufsiga ay ka taxadareen oo ay is yiraahdeen isticmaala cinjirada la gashdo,” ayuu BBC Somali u sheegay Cabdirashid Maxamed Shire.

Balse baaritaanka ayaa lagu sameeyay tijaabooyiinkii kale ee laga qaaday cidiyaheeda iyo jirkeeda.

Cabdirashid, gudoomiyaha hay’adda baaritaanka Hidda-sidaha, ayaa sheegay “Nasiib wanaag waxaan haysanaa meelo kale oo fiican oo aan isticmaali karno. Waxaad ogataa in gabarkasto oo dhibaaato loo geysanayo ay dagaallameyso oo ay iska celineyso ninka dhibka geysanaayo”.

Wuxuu tilmaamay in dagaalkaaas uu faaa’iido leeyahay, lana helaayo waxyaaabo muhiim u ah baaritaanka lagu sameynayo kufsiga.

RIIX HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

XIGASHO: BBCSOMALI

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA