Daawo: Qof Arkayey ninka is qarxiyey Beled weyne+xaqiijinta Dhaawac Xildhibaan…

War goor dhaweyd kusoo dhacay warqabadkeena Warqaad ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Beled weyne ee caasimada gobolka hiiraan.

Abaare 12:00 duhurnimadii maanta ayaa waxa uu qarax ka dhacay meel ku dhaw buundada liiq liiqato iyadoo uu fuliyey qof walxaha qarxa isku soo xiray.

Waxaa lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac uu qaraxa geystay,waxaana kudhawaad 20 qof la geeyey dhaawacooda cusbitaalka Beled weyne.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen kudhinteen inkabadan 6 qof waxaana jira bur bur hantiyeed oo ka dhashay weerarkaasi.

Dadka dhaawaca soo gaaray waxaa ka mid ah Xildhibaan Kala dire oo katirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa la xaqiijiyey.

Wariye ka mid ahaa kuwa ka ag dhawaa maqaaxida qaraxa ka dhacay,ayaa ka waramay sida ay wax udhaceen,iyadoo Baar Xasan Dhiif uu ka dhacay qaraxasi.

Source link