Home DAAWO DAAWO MUUQAALKA: Arinta Cabdimalik Coldoon Sheegay oo Xaqiiq Noqotay Somaliland oo Go’aan...

DAAWO MUUQAALKA: Arinta Cabdimalik Coldoon Sheegay oo Xaqiiq Noqotay Somaliland oo Go’aan Adag Cabdimalik Kasoo saartay

warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa lagu sheegay in iyada oo laga jawaabayo dareenka ay shacabku qabaan baadhis lagu samaynayo jaamacada Barwaaqo iyo dugsiga Abaarso, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan :- cabdimaalik coldoon

“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka.

Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani.