DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo si qarsoodi ah u tagay Xarunta Ciidanka Taliska Booliska Somaliyeed “Muxuu lasoo kulmay?

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay waxa uu kor meer ku tagay xarunta Ciidanka Booliska ee kumaanda Buluusiya, halkaasi waxa uu kulamo kula yeeshay Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Madxweyne farmaajo ayaa Saraakiishaasi waxa uu kala hadlay sidii loo sugi lahaa amniga xumaaday ee magaalada Muqdisho loogana hortagi lahaa dilalka ay ciidamadu kula kacaan dadka shacabka ah.

Saraakiisha uu xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomliya, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka kadib waxa warbaahinta lahadlay Faah-fahina ka bixiyay kulankii uu madaxwayne Farmaajo iyo Saraakiisha Booliiska oo ay wada qaateen Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaliya Zakiya Xusen Axmed, ayadoo sheegtay in uu madaxwaynuhu kula dar-daarmay in ay ku dadaalaan sidii loo sugi lahaa amniga shacabkana loo dhimriyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

ALLBANAADIR MEDIA