DAAWO: Khasaaraha dagaalkii Dhoob + Korneel Caare oo laga qabsaday gaari iyo askar nool “Dhimashada oo korodhay”

Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DAGAALKA

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA