Daawo: Beesha Mareexaan oo dalab xasaasi ah hor dhigtay guddoomiyaha Gobolka Banaadir








mogadishu (Allbanaadir Media) – Golaha Midnimada ee beesha Mareexaan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada mogadishu ayaa taageero u muujiyey guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Yuusuf Madaale.

Golahaan ayaa cadeeyey in beesha Mareexaan ay xuquuq uga maqan tahay awood qeybsiga gobolka Banaadir, iyagoo guddoomiyaha cusub ka dalabaday in xuquuqdaas uu meel u saaro.

“Soo dhaweyn kadib guddoomiye waxaan halkaan kaaga soo jeedineynaa baaq, sidaa ogtahay burburkii kadib dowladihii dalka soo maray beesha Sade, wax xuquuq ah kama helin magaaladaan mogadishu, markii la eego beelaha kale iyo saameynta aan ku leenahay magaaladaan waa muhiim in beesha Mareexaan ay xaq ku yeelato caasimadda,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Guddoomiyaha golaha midnimada Mareexaan ee gobolka Banaadir Nabadoon Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil ayaa sidoo kale kulankii maanta ka hadlay wuxuuna guddoomiyaha cusub ka dalbaday in beesha uu xaqeeda ka siiyo gobolkaan guddoomiyaha looga dhigay.

“Guddoomiye maamulkaagii hore beeshu waxay mudneyd kama helin, waxaan qabnaa hadii dadka reer mogadishu la xisaabiyo in guddoomiye ku xigeenka koowaad aan yeela doono,” ayuu yiri guddoomiye Mareexaan ee mogadishu.

Hoos ka daawo










Source link