Ciidanka Xoogga dalka oo Al shabaab ku weeraray dhul howd ah oo ku yaalla..

Posted on




Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday goobo ay gabaad ka dhiganayeen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab.

Weerarkaas ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa sheegay iney cagta mariyeen goobihii gabaadka u ahaa al shabab, kadib markii heleen xogta kooxda oo isku uruursaneysa aaggaas.

“Waxaa halkaas lagu gaarsiiyey jab xoog leh, hub fara badana waa laga soo furtay dhimashada iyo dhaawaca gaaray khawaarijta tirakoob ayaanku wadnaa weli dhulka howdka ayey ku baahsan yihiin” ayuu yiri Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaas.




Source link