Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ku dilay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab

Posted on

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab oo xilal kala duwan soo qabtay.

Ciidanka Gorgor ayaana gurigiisa oo kuyaalla deegaanka Shaamgarre ugu galay sargaalkan oo lagu magacabayay Sakariye Cabduqaadir Shabeelow (Moosow) , waxaana la sheegay in ciidanka ninkaasi goobtaasi ku dileen.

Taliyaha ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan ay dileen uu soo noqday madaxii miinooyinka Al Shabaab deegaannada Bariire iyo Owdheegle, haddana uu Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca jaajuusnimada .

Waxa uu sheegay  taliyaha Gorgor in ninkan ay dileen uu ahaa nin shar badan oo dhibaatooyin badan ku hayay dadka deegaanka, waxa uu sheegay in dad badan ka gubay gaadiid iyo mootooyin kuwa kalana uu dhac u geestay.

Taliyaha ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad kale oo lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo howlgalka lagu soo qabtay, kuwaa uu sheegay in ay ka socdaan baaritaanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link