Home Warka Maanta Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab+magaca iyo...

Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab+magaca iyo jagada




Wararka laga helayo gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in howlgal ay  sameeyeen ciidamada xoogga dalka iney ku qabteen  degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ay Gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta Gobolkaasi.

Waxaa howlgal Qorsheysan ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in lagu qabtay Cali Maxamed Aadan oo Magaca Afgarashadiisa tahay  Seed Xaaris oo kamid ahaa kuwa ugu sareeya halkaas.

Dhanka kale waxa ay sheegeen inay weli howlgallada ka wadaan degaano u dhow degaanka Janaale, isla markaana ay ku raad joogaan saraakiil iyo Xubno kale oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaa oo dhuumaaleysanaya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iney wali howlgallo wadaan  waxaana maanta guul u ah ciidanka iney soo bandhigaan Ninkaan ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay oo ay sheegteen in uu ahaa Madaxda howlgelinta Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose balse shabaabka aysan wali ka hadlin.

Dhanka kale guluf dagaal oo xoog leh ayey dowladda ku wadaa Al shabaab meel walba oo ay Soomaaliya ka joogto taa oo sahashay in lasoo afjaro.

 

Muqdisho-Somalia

 





Source link