Ciidanka Dowladda oo fashiliyay Qarax Al Shabaab doonayeen in dhibaato ku geestaan (Sawirro)

Posted on




Ciidanka xoogga dalka Somaliyeed gaar ahaan ururka 26-aad guutada 6-aad ayaa fashiliyay qarax miino oo la sheegay in kooxda Al Shabaab ku aaseen waddo aada dhinaca beeraha ee magaalada Buuromareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xogta qaraxa miino ayaa la sheegay in ay heleen ciidanka xoogga dalka, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen markii ay gaareen goobta qaraxa lagu aasay in ay kasoo saaraan miinadaasi oon wali qarxin.

Taliyaha ururka 26-aad guutada 6-aad qaybta 60-aad CXDS Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle ayaa waraahinta u sheegay in Al Shabaab doonayeen in qaraxasai miino ku dhibaateeyaan dadka shacabka, balse ciidamada ku guuleesteen in ay fashiliyaan.

Qaraxyo miino oo lagu aasay hareerooyinka waddooyinka ayaa marar badan khasaarooyin kala duwan waxa uu kasoo gaaray dad shacab ah, miinooyinka la aaso ayaana kala garan shacab iyo ciidan, waxa ayna ku qarxaan cidii xiulligaasi dul marta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link