Ciidan uu dalbaday Qoor Qoor oo caawa gaaray Gaalkacyo iyo wararkii ugu dambeeyey




Gaalkacyo (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dalbaday ciidan difaaca, kadib markii maanta ay Gaalkacyo ku hareeyeen ciidamo gadoodsan, kuwaas oo gadiid dagaal dul dhigay gurigiisa.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in ciidan xoog leh oo ka tirsan Gor Gor ay maanta ka bexeen magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo caawa gaaray Gaalkacyo, si ay u difaacaan Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta qiil-qiil la geliyey amnigiisa.

Sarkaal lagu magacaabo G/le Cabdi-Saluug ayaa hoggaaminaya ciidanka Gor Gor ee caawa gaaray Gaalkacyo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo ka gadoodsan hanaanka loo maamulayo doorashada kuraas taalla Gaalkacyo ayaa maanta xirtay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Gaalkacyo.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya ciidanka oo gaadiid dagaal geesaha ka dhigay guriga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale waxaa caawa socda kulamo u dhaxeeya madaxweyne Qoor Qoor iyo odayaasha dhaqanka magaalada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xalinta xiisadaan, waxayna odayaashu dalbanayaan in qof gaar ah aan kursi loo xirin.

Seddax ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo berri lagu waday in doorashadooda lagu qabto Gaalkacyo ayaa dib loo dhigay, waxaana la qorsheeyey in doorashada kuraastaas la qabto maalinta Axadda ah ee 13-ka bishaan.

Lix kursi oo kaliya ayaa ka hartay doorashada kuraasta golaha shacabka ee taalla Galmudug, waxuuna Axmed Qoor Qoor oo maanta qadka taleefanka kula hadlay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu ka balan qaaday in ka hor waqtigii lagu balamay ee 15-ka bishaan uu maamulkiisu ku soo gabagabeyn doono doorashada.



Source link