Home Warka Maanta Ciidamo hubeysan oo gudaha ugalay xarunta Tv-ga Aljazeera & Afgembi dhacay

Ciidamo hubeysan oo gudaha ugalay xarunta Tv-ga Aljazeera & Afgembi dhacay




Sida uu sheegay Telefishinka Al Jazeera ciidamo hubeysay ayaa gudaha ugalay xarun ay lahaayeen iyadoo wax amar ah ama warqad aysan wadan ciidankaasi.

Xafiiska shaqo Ee Telefishinka oo ku yaalla Magalaada Tunis Caasimada Tunisiya ayaa la sheegay in ciidanka ay gudaha ugaleen barqanimadii maanta iyadoo xaalad kacsan dalkaasi uu ku jiro.

Madaxweyne Qeys Saciid ayaa shaqada ka ceeriyey R/wasaarihii dalkaasi shalay galab iyadoo awoodii baarlamaanka uu hoos udhigay.

Dad ka carooday arintaas ayaa hor dhoobtay Madaxtooyada Dalka Tunisiya inkastoo la kala ceeriyey oo ciidamada ay feejignaan badan galeen.

Isku dhacyo ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhaceen banaanka hore Xarunta baarlamaanka,Rashiid Qanuuni oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Tunisiya ayaa horfadhiistay xarunta iyadoo xisbigiisa Al Nahda ay taageerayaashiisa ciidamada is gacan qaadeen.

Warar ayaa sheegaya in mucaaradka ay ku eedeeyeen in afgembi uu sameeyey Madaxweyen Qeys Saciid,sidoo kale macalinka jaamacadeed soo ahaa madaxweynaha dalka Tunisiya iminka ah ayaa culeys badan oo dhanka siyaasada ah wajahaya.





Source link