Home Warka Maanta Ciidamo gedoodsan oo qabsaday qaybo kamid ah gobolka Mudug & kastamkii degmada...

Ciidamo gedoodsan oo qabsaday qaybo kamid ah gobolka Mudug & kastamkii degmada Xarfo.

Allbanaadir Media (XARFO)-Cutubyo katirsan ciidanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay qabsadeen qaybo kamid ah goobaha dowliga ah iyo waddooyinka laga soo galo magaalada Xarfo ee gobolka Mudug, xilli ay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin dowladda katirsan.

Ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay qabsadeen waddooyinka soo gala xerada Abqaale ee duleedka magaalada Xarfo, waxaana ay ka cabanayaan xuquuqdoodii mushaharka oo ay sheegeen inay ka maqan tahay muddo 6 bilood ah.

Ciidankaan ayaa waxaa la sheegay inay ka soo bexeen qaybo kamid ah fariisimadii ay ku lahaayeen gobolka Mudug, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan saraakiisha ciidanka iyo madaxda wasaradda maaliyadda ee xukuumadda Puntland.

Dhowaan ayaa lafilayaa in xeryaha Abqaale iyo Godad ee gobolka Mudug ay ciidamo katirsan kuwa Puntland tababar ugu soo xiraan guddiga dib u habaynta ciidanka Puntland ee uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.



Source link