Ciidamada UKRAINE oo guushii ugu weyneyd ka gaaray dagaalka Ruushka




Kyiv (Allbanaadir Media) – Taliyaha ciidamada Ukraine ayaa sheegay Axaddii in ciidamada Ukraine ay guulo ka gaarnen dagaalkii ka socday waqooyiga gobolka Kharkiv, ayna u sii gudbeen koonfurta iyo bariga dalka, kadib markii ay si degdeg ah gacantooda ugu soo dhacay xaruntii ugu weyneyd ee Ruushka ee waqooyi bari Ukraine.

Taliyaha ciidamada Ukraine General Valery Zaluzhny ayaa sheegay in 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay ay Ruushka ka qabsadeen dhul gaaraya 3,000 oo kiilo mitir, isaga oo sheegay in gobollada koonfurta, bariga, iyo waqooyiga dalkaas ay horumar ka sameeyeen ciidanku, isla markaana ay 50 kiiloomitir u jiraan xadka gobollada uu Ruushku wada heysto.

Gacan ku dhigista magaalada Izium ayaa calaamad u ah jabkii ugu xumaa ee soo gaaray ciidamada Ruushka tan iyo markii laga saaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv bishii March, iyadoo kumannaan askari oo Ruushku ay ka tageen rasaas iyo qalab markii ay carareen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyay ka bixitaanka Ruushka ee magaalada Izyum ee gobolka Kharkiv, isagoo sheegay inuu yahay horumar laga gaaray dagaalka lixda bilood socday, isagoo sheegay in xilliga qaboobaha uu keeni karo guulo dhinaca dhulka ah oo degdeg ah haddii Kyiv ay hesho hub awood badan.

“Waxaan rumaysanahay in xilliga qaboobaha uu yahay mid isbedel leh, waxayna keeni kartaa in si degdeg aan dib ugu qabsanno Ukraine,” ayuu Zelenskiy ku yiri faallooyin uu siiyay madal siyaasadeed oo lagu daabacay boggiisa internet-ka Sabtidii. “Waan aragnaa sida ay uga cararayaan Ruushku jihooyinka qaarkood, haddii aan dhinaca hubka uga xoog badnaan lahayn, si dhaqso ah ayaan u qabsan lahayn,” ayuu raaciyay.

Oleh Zhdanov oo ah falanqeeye milateri oo fadhigiisu yahay magaalada Kyiv ayaa sheegay in guulaha laga gaaray Ruushka ay dhabbaha u xaari karaan in si dheeraad ah loogu sii socdo gobolka Luhansk, kaasoo qabsashadiisa ay Ruushku sheegeen horaantii bishii June.

“Haddii aad eegto khariidadda, waa macquul in la qiyaaso in weerarku uu ku kobcin doono jihooyinka Svatovo – Starobelsk, iyo Sieverodonetsk – Lysychansk. Waa laba tilmaamood oo rajo leh,” ayuu yiri Zhdanov.

REUTERS, VOA



Source link