Ciidamada Haramcad oo weeraray maxkamadda Al-Shabaab ee duleedka mogadishu





Balcad (Allbanaadir Media) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad ay howlgal ku qaadeen deegaanka Basra oo ku yaalla duleedka mogadishu, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad & Afgooye halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa beegsaday xarun maxkamad u aheyd Al-Shabaab, halkaas oo ay ugu yeeri jireen dadka shacabka, waxaana kadib ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkooda howlgalka uu ahaa burburinta maxkamad iyo goob ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin deegaankaasi.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen inay ku guuleysteen inay soo daayaan dad ay xir-xireen Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi, isla-markaana ay nolosha ku qabteen xubno katirsan Al-Shabaab balse ma shaacin tiradooda.

Xaaladda deegaanka Basro ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramaya ain dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemay wadada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa ah mid looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay Al-Shabaab ka wado mogadishu iyo nawaaxigeeda oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Inta badan ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa howlgallo culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab oo weli weeraro xoogan ka fulisa gudaha dalka.



Source link