Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka sameeyey mogadishu





mogadishu (Caasimads Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo si wadajir ah uga sameeyey qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmada.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro aad u u fara badan oo qaarkood ku eedeysan dhac iyo ciyaal weero, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalka, wuxuuna sheegay in dadka la soo qab-qabtay ay kala saareen, isla-markaana kuwa tuhmanayaal ah ay ku xireen saldhigga degmada Kaaraan.

“Waxaan ku soo qabanay dad fara badan kala shaandheyn dheer, kadib waxaan ka helnay waxyaabo aan tuhunsanahay, saldhigga ayaana la geynayaa” ayuu yiri taliye Goofgooje.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan, Abishir Kaaraan, wuxuuna uga digay shacabka inay qariyaan dadka dambiilayaasha ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadciyey ciidamada ammaanka ee xalay howlgalka ka sameeyey degmada Kaaraan oo ay ka dhacaan falal amni darro ah.

“Reer Kaaraan waxaan uga digayaa in aan la qarin qofka dambiilaha ah, cidii qarisana waa la mid, waxaan leenahay hay’adihii caawa howlgalay waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.



Source link