CCW: Farmaajo wuxuu hirgaliyay farsamooyinyii Al-Shabaab

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah shaqsiga ugu mabda’ adag ee ka soo horjeeda Farmaajo, ayaa shegay in gabood-falladii iyo danbiyadii ay kooxda waqtigu ka dhamaaday galeen shanti sano ee la soo dhaafay ay bannaanka imaanayaan, kadib markii uu dhawaan soo baxay wareysi uu bixiyay mid ka mid ah shaqsiyaadka ay dhibaatada xooggan u geysteen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu Farmaajo ku eedeeyay inuu adeegsaday dilal qorshaysan, sumayn, sumcad-dil, codad iyo muuqaallo si sir ah loo duubay, isla-markaana uu iska hor keenay beelo waalaalo ah, si uu u gaaro dano gaar ah, taas oo uu ku tilmaamay dhaqan argagixiso.

“Waraysiga afarta qayb ah ee Cabdullaahi Maxamad Nuur (Nasri) siiyay [HANOOLAATO], wuxuu sawir buuxa ka bixiyey sida uu rajiimka Farmaajo shantii sano ee la soo dhaafay, dadka, dalka, iyo dawladnimada u burburiyey iyo sida uu u bannaystay dhiigga, cirdiga iyo hantada ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Warsame.

Wuxuu xusay in ficilladii hore iyo kuwiisa danbaba fashilmi doonaan si la mid ah, kiiska Ikraan Tahliil, halka uu wareysiga Cabdullaahi Nasri, uu daahfur u noqon doono, wareysiyo badan oo bannaanka keeni doono gabood-falladii lagu galay magaca dowladda shanti sano ee na-weydaaratay.

“Ficillada muuqda oo uu ugu danbeeyey dilkii Ikraan Tahliil, iyo waraysiyada billawga ee Nasri, waa bakeeri biyo ah oo badwayn laga soo daray. Waxa weli qarsoon ee waqtiyada soo socda soo qufmi doonaa ayaa ka badan”. Ayuu yiri.

Hoggaamiyaha mucaaradka, wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in u-jeedkii laga lahaa, wixii ay Kooxda Farmaajo danbi geysteen oo ahaa in xukunka la sii joogo, ay natiijadii ku soo aruurtay in Madaxtooyada dhufays looga jiro, kaliya fursadda Farmaajo u harsan ayuu ku sheegayin ay tahay qirashada danbiyadii uu galay.

“Aragtida ah in dawladda laga cabsado waxaa ku lamanaan fal argagexiso oo cabsi gelin ah, kuwaasoo lagu bannaysanayo nafta, maalka iyo sharafta muwaadinka. Laakiin fahamka ah in dawladda laga haybaysto, waxaa ka dhalanaya in la xurmeeyo nafta, hantida iyo cirdiga muwaadinka, farqigaaga ayaana u dhexeeya labada aragti”. Ayuu ku sii daray.

 

Source link