Cabdisamad Abwaan oo shaaciyey arrin DF ka hortaagan sugidda amniga?





mogadishu (Allbanaadir Media) – Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka magaalada mogadishu, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.

Senator Cabdisamad Abwaan ayaa u sababeeyey amni darrada haatan jirta kalsooni la’aan u sheegay in shacabka ka heysata dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidaas darteedma ay ku adag tahay dowladda in ay sugo amniga magaalada mogadishu.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in marka hore la dhiso kalsoonida shacabka, si ay dowladda cusub uga hesho taageero dhinac walba leh.

“Dawlad aan haysan kalsoonida shacabka, wey adkaanaysaa iney amniga dalka sugto, waxaa muhiim ah in la baadidoono kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Abwaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal uu ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada mogadishu, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa mid ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Si kastaba, ammaanka mogadishu ayaa maalmihii dambe faraha kasii baxayey waxaana ka dhacayey weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeyso Al-Shabaab.



Source link