Cabdi waal & Cali yare oo ciidan & Hub la tegay Galmudug xilli doorasho ay geli doonaan

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Badweytis  usheegay in galabta gaadiid dagaal iyo ciidamo katirsan Dawlada ay gaareen Magaalada Dhuuso mareeb ee caasimada Galmudug.

Hubka iyo ciidanka waxaa laga qaaday Muqdisho taas oo diyaarad lagu geeyey magaaladaasi,ujeedkoodana waxaa laga war helayaa xogo hordhac ah.

Waxa la sheegay in Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada gobolka banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) ay amnigiisa sugi doonaan askartaasi.

Sidoo kale ciidanka waxaa wehlinaya dhowr gaari nuuca xabada karin oo Cali Yare loogu talo galay inuu isticmaalo inta uu joogo dhuuso mareeb.

Waxa uu doonayaa Gudoomiye Cali Yare horena ushaaciyey inuu sharaxan yahay Kursiga Hop#Hop147 ayna ku tartami doonaan Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Kulamo gaar gaar ah ayaa ka socda Dhuuso mareeb oo beelaha Ayaanle,Habar eji,Yabadhaale & Saxbuux siyaabo kala duwan kuwaastooda Hop#138 & Hop#147 ay ka arinsanayaan.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa ka fekiraya kala doorasho hadhoow saameyn ku yeelata,dhinaca siyaasada,waxaana uu qol mugdi ah dhex dhigay ul taas oo ay adag tahay in la kala adkaado.

Dhanka kale Siyaasiga Cabdi nuure Siyaad (Cabdi waal) iyo musharaxiin kale ayaa iyaguna si weyn galabta loogu soo dhaweeyey degmada Guriceel.

Waxa ugu weyn ee aadka isha loogu wada hayo ayaa ah in Musharaxiinta Kursiga Hop#147 ayaa dhamaantood yihiin kuwa hubeysan lagana cabsi qabo in beesha Ayaanle ay ku dagaalamaan natiijada doorashada hadii ay ku qanci waayaan.

Cali Yare iyo murashaxiin kale ayaa la filayaa in sabtida ama Axada isbuucaan ay gaaraan dhuuso mareeb sidaasna ay ololaha doorashada maalmaha kooban ka harsan uga qeyb noqdaan.

Villa Soomaaliya ayaa wacad ku mareysa in ay ku dedaali doonaan is hortaag lagu sameeyo Mahad Salaad kursiga uu ku fadhiyana la siiyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali).

Source link