Muqdisho (Allbanaadir Media) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelaha Biyaha oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal weero ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Raggan oo lagu soo xiray saldhigga Booliska ee Ceelasha Biyaha ayaa laga soo qabtay waaxda Jabad-gelle ee deegaankaas xilli ay gacanta kula jireen falka lagu soo qabtay.
Kooxda la soo qabtay ayaa ku hubeysnaa tooreeyo iyo baangado, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Internet-ka.
Sidoo kale waxaa kooxdan ciyaal weerarada ah lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaankaasi, isla-markaana la horgeyn doono maxkamad.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo ka warbxiyay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan ciyaal weerada, ayna laba jibaari doonaan.
“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.
Ciyaal weerarada oo markale soo laba kacleysay ayaa haatan dhibaato ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
Si kastaba, Habeen hore ayey aheyd markii ay kooxahaan Kaaraan ku dileen wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid Macallin Cabdullaahi oo kamid ahaa dadka deegaanka.