Booliska oo abaalmarin dul-dhigay hooyo iyo wiilasheeda oo gowracay Aabihii qoyska

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdo argagax leh oo 9-kii bishan Febraayo ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii hooyo iyo laba wiil oo ay dhashay ay gowraceen Aabihii qoyska.

Booliska ayaa sheegay inay eedeysanaha oo baxsaday la raadinayo, kuwaas oo kala ah:- Ruqiyo Axmed Cabdulle, Kamaal Aweys Maxamed iyo Cabaas Salaad Shaandi.

Hooyadan iyo wiilasheeda ayaa loo haystaa dilka Allaha u naxariistee Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo ahaa ninkii qabay Ruqiyo, ilmahana u ahaa adeer soo koriyay.

“Eedeysaneyaasha kala ah 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi  oo ku eedeysan in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen  Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi  oo ahaa ninkii qabay ruqiyo ilmahana adeer u ahaa uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, isla markaana baxsadeen” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay inuu haatan socdo howlgal culus oo lagu raadinayo eedeysanayaasha oo baxsaday kadib falkaasi argagaxa leh.

“Baadi goobka eedeysanayaasha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inu ay u baxsadeen” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howgalo lagu baadi goobayo ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si, ay  cadaalada u maraan”

Dhinaca kale Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in abaalmarin lasii doono qof kasta oo keena xogta eedeysanayaasha, si loo horgeeyo cadaaladda.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ciddii aragtaa ay la wadaagto laamaha amniga ee ugu dhow. Qofkii xog ku saabsan nala wadaagta waxaan siin doonaa abaal-marin” ayaa lagu yiri fariinta kasoo baxday taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Horay Booliska ayaa gacanta ugu soo dhigay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo Muqdisho ka baxsaday, kadib markii uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo xaamilo ahayd.