BAYLE oo faahfaahiyey DEYN ay DF Soomaaliya ka qaadatay hay’adda IMF




mogadishu (Allbanaadir Media) – Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa maalintii labaad oo xiriir ah hortegay xildhibaanada labada Gole oo baarlamaanka oo ka doodaya miisaaniyadda 2022 iyo xisaab xirka 2017-kii illaa 2021-kii

Bayle oo su’aallo adag ay weydiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey lacag ay dowladda federaalka kasoo deynsatay IMF, 2021-kii, taas oo shaki weyn laga muujiyey waxa ay tahay iyo qaabka loo maareeyey.

“Lacagta SDR si ay deyn u noqoto shuruud ayey leedahay, haddii aysan waqti lagu bixiyo laheyn waa Grant, waxa u dhexeeya labadaas ayaa jira.SDR waa lacag loogu-talagalay markii ay dalalku qilqiil galaan waa markii labaad oo IMF ay lacagtaasi bixineyso, markii aad hesho lacagtaas ayaa la bixiyaa,” ayuu yiri wasiirka wasaairadda maaliyadda Somalia.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Bishii August 2021 ayaa lacagtaas la qaybiyey dalku xaggee joogay markaas, xaggee xildhibaano joogeen dalkan in la bad-baadiyo ayaa lagu talagalay”

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay xisaab celinta lacagtaasi, uuna caddeymaheeda horkeenayo baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Baarlamaanka hala geeyo waxaan diyaar u nahay xisaab celinteeda, annigu lagactaas ma oran manra waa Grant ,” ayuu markale yiri wasiirku.

Inta badan xildhibaanada madasha ka hadlay ayaa ku cel-celinaya in wasiirku aysan caddeyn jawaabihiisam, ayna dalbanayaan inuu sugo, maadaama ay tahay xisaab.

Si kastaba, Bayle ayaa wajahayaa tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirada dowladda, isaga oo diiday inuu xortago xeer ilaalinta qaran oo Isniintii u yeertay.



Source link