Home Warka Maanta Axmed Madoobe oo la kulmay Mamunur Rahman Malik iyo Wefdi la socday...

Axmed Madoobe oo la kulmay Mamunur Rahman Malik iyo Wefdi la socday (Sawirro)

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan.

Madaxda ka socotay Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa u balan qaaday maamulka Jubbaland in ay kordhin doonaan taageeradooda dhinaca caafimaadka si wax loogu qabto bulshada qabta baahiyaha caafimaad.

Source link