Home Warka Maanta Axmed Madoobe Oo ka hadlay amaanka & fariin uu udiray Shacabka

Axmed Madoobe Oo ka hadlay amaanka & fariin uu udiray Shacabka




Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaanna kuwa Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Wuxuu madaxwaynuhu ALLE uga baryay ummadda in dambigooda dhaafo, waxaana uu kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto.

Madaxwayne Axmed ayaa hambalyo u diray masuuliyiinta Dowladda ee labada golle, shaqaalaha iyo howlwadeenada Dowladdada, ciidammada qalabka sida ee Jubbaland ee had iyo jeer u taagan difaaca amniga ummadda, Xaasaska iyo carruurta ciidammada qalabka sida, iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxwaynaha ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dadka reer Jubbaland in ay adkeeyaan midnimada, wadashaqeynta, iyo isu-naxariisashada dhexdooda ah si Rabbi inoogu wada naxariisto.





Source link