Axmed Madoobe oo ka digay qorshe culus oo ay damacsan tahay Al-Shabaab

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku tegay deegaanka Buulo-xaaji oo uu dhowaan ka dhacay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab ayaa dhiirogeliyay ciidamada ku sugan halkaas ee jilibka u dhigay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka soo qaaday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana xubno isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib looga dilay dagaalladii ka dhacay Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay la kulantay arrin aysan fileyn oo u horseeday guul darro, wuxuuna xusay in jabka gaaray uu ku noqday u-tun wayn oo xanuun badan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda ay hadda qorsheyneyso aar gudasho, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo diyaar garoobo si ka duwan sidii hore.

“Guusha lama sii daayo hadda waa guuleysanay sow maaha? maydkooda faraha badnaa ee Soomaali iyo Ajanabiba lahaa iyo dhaawacyadooda meel ay gaystaan ay waayeen si aynan u diyaar garoobin ayaan hadda u diyaar garoobeynaa oo sidii ka xoog badan, sababtoo ah qofka marka uu u-tun qabo ee aargusho u socdo iyo marka uu caadi yahay ma isku mid-baa” ayuu yiri madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Hadda u-tunbey qabaan aargusho ayay u socdaan taasaa u baahan inaan libinta hantino oo wixii shalay aan ku jirnay aan laba laabno”.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ku boggadiyay halgankooda, wuxuuna tilmaamay in Soomaali badan ay ka farxiyeen.

“Maanta waxaa sameyseen wax Soomaali idin kaga dayan karto inta dambe aan is raacino, waana idinka war hayn doonaa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa sidoo kale dalacsiiyay ciidamada guusha keenay, wuxuuna sidoo kale bilado geesinimo ah guddoonsiiyay saraakiishii ku hoggaamisay dagaalladii adkaa ee ay la galeen maleeshiyaadkii la laayay ee kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii ko dhowaad 100 xubnood Al-Shabaab looga dilay weeraro ay ku qaadeen deegaanada Buulo-xaaji iyo Harboole oo ka wada tirsan Jubbada Hoose.



Source link